Madaxweynaha Maamul-Goboleedka Jubbaland Oo Ka Hadlay Dagaalo Ka Dhacay Jubbada Hoose iyo Sarkaal Sare oo La Dilay

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed-madoobe) ayaa Shir Gudoomiyay kulan deg deg ah oo Golaha Wasiirada ay ka yeesheen Xaaladahii ugu danbeeyay ee  dagaalo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay qaybo kamid ah Jubbada Hoose.

 

Kulankan oo ay goob joog ka ahaayen Labada Madaxweyne ku xigeen iyo inta badan Xubnaha Golaha wasiiradda  ayaa waxaa Madaxweynahu wuxuu ka xog waramay xaaladahii u danbeeyay ee Gobolka Jubada Hoose gaar ahaan Dagaalo adag oo Ciidamadu ay la galeen Kooxda Al-Shabaab.

 

wuxuu sheegay in Dagaalo adag oo ka dhacay deeganada Beerxaani iyo Golashimbi ay Ciidamadu halkaas ku dileen qaar badan oo kamid ah Kooxda Shabaab oo ay sheegeen in dhibaato badan ay ku hayaan dadka Xoolo dhaqatada ah, wuxuuna xusay in ay talaabo adag Ciidamadu ka qaadeen oo ay kasoo furteen qaar badan oo kamid ah Xoolahii ay shalay dhaceen, kuwa kalana ay ku daba jiraan.

 

Madaxweynaha, oo sidoo kale ah , islamarkaana ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada qalabka ee Jubbaland waxaa uu sidoo kale sheegay in dadka deeganku ay diyaar u yihiin in ay Al-Shabaab la dagaalamaan qaar badan oo kamid ahna la hubeeyay si ay isku difaacan.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: