Madaxweynaha Dalka Kuuriyada Waqooyi Oo Cuntooyin Ula Safray Singapore

Singapore (Dhamays) – Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa ka dagay dalka Singapore isaga oo halkaas 12-ka bishan June kulan kula yeelan doona Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Kulankan taariikhiga ah ayaa ka dhici doona jasiiradda loo tamashle tago ee Sentosa maalinta Salaasada ah ee Toddobaadkan.

Waxayna noqon doontaa markii koowaad ee Madaxweyne Maraykan ah oo xil haya uu la kulmo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Intii aanu Trump u duulin shirka wuxuu kulankaas ku tilmaamay “fursad qudh ah oo lagu beegsan karo” nabadda, wuxuuna intaas ku daray in labadoodu ay arrinta si dhab ah ugu soo jeedaan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Singapore Vivian Balakrishnan ayaa Twitterka soo dhigay sawirka Kim, ka dib markii uu jasiiradda dalkaas cago dhigtay.

Washington waxay rajeynaysaa in shirkan uu noqon doono billawga qorshaha uu Kim kaga tanaasulayo hubkiisa nukliyeerka ah.

Xidhiidhkii labadan masuul soo dhexmaray 18kii billood ee u dambeeyayna wuxuu ahaa mid kaaf iyo kala dheeri ah.

Mar bay isugu hanjabeen dagaal lagu halaagsamo, haddana waxay go’aansadeen in ay is hor fadhiistaan.

Labada masuul waxay la kulmi doonaan ra’iisulwasaaraha Singapiore Lee Hsien Loong ka hor inta ayna yeelanin kulan fool ka fool ah.

BBC-da ayaa baahisay in Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi uu Dalka Singapore gaadhay isagoo diyaaradda uu la socday ay u saaran yihiin Gaadiidka raaxada iyo cuntooyin kala duwan, waxaana la saadaaliyey in Madaxweyne Kim oo cadow badan lihi uu Cuntooyinka u qaatay inaanu cunin Cunto oo aan tiisa ahayn, maaddaama oo uu niyada ku hayo suurto-galnimada in la sumeeyo.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: