“Madaxweynaha Aad Caaddifadda Ku Doorateen Ma Wanaajinaa Cidhibtiisa..”? Maxamed J. Abgaal

Sallaxley (Dhamays) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal oo hadda ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa is-barbar-dhigay Hoggaaminta Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin.

Maxamed Jaamac Abgaal oo khudbad ka jeediyey Munaasibad uu Xisbiga WADDANI ku soo dhaweeyay Xildhibaanno ka mid ah Golaha Deegaanka Sallaxlay oo ku biiray WADDANI, ayaa sheegay inuu ka xun yahay in Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Dalka Madaxweyne ka ah uu  Xaalka Siyaasadeed iyo dhaqaale uu hoos u dhaco.

“Madaxweynuhu wuxuu ku takhasusay Aqoonta Dhaqaalaha, markii Madaxweyne Rayaale oo ay Aqoon Dhaqaale ku ogayn uu Xukunka ku wareejiyey wuxuu Halka Dollar ahaa 6 kun iyo 5 boqol oo Shilin (Sarrifka), imikana Halkii Dollar wuxuu marayaa Toban kun oo Shilin.” Ayuu yidhi Maxamed Jaamac Abgaal, waxaanu intaa ku daray “Markaa waanu ka xunnahay in Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo Dalka Madaxweyne ka ah inay Xaaladaha noocaas ahi Dalka ka dhacaan oo ay Taariikhda ku soo hagaagaan”

Mr. Abgaal oo hadalkiisa sii wataa wuxuu sheegay  “Waxaasi maaha wax uu Madaxweynuhu keligii sameeyay, laakiin waxa sameeyay Dadkii uu aaminay ee uu Xilalka u dhiibtay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Imika waxaanu u soconaa Madaxweyne Siilaanyo oo aad Caaddifad iyo Reer Sheekh Isaxaaq-nimo ku doorateen, sideennu imika cidhibtiisa u wanaajinnaa..”

Warkasi oo Muuqaal ah Halkan Hoose Ka Daawo  oo kaga Bogo

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: