MACNA MALE ADUUNYADDU, MA HAGRADE MARXUUM CAABI-BAA MAANTANA GODKII GALAY:

MA HAGRADE ENG, MARXUUM XASAN JAAMAC CAABI OO GOD-KIISII GALAY:

 

Marxuun Eng Xasan Jamac Caabi waxa uu ahaa foolaadka Xirfada farsamo ee idaacada Radio Hargeysa, waxa uu ahaa dadka uu alle hibada u siiyay farsameynta hawlaha warbaahineed ee loo gudbiyo ummadda waxa uu ku geeriyoodey Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ee hargeysa laguna aasey Alle naxariistii janno ha ka waraabiyo.

Xasan Jamac Caabi waxa uu ahaa nin aanu muddo ka soo wada shaqeynaynay xayndaabka wasaradda warfaafint dhaqanka iyo wacyigalinta JSL anigu aqoon wanagsan baan u lee yahay shaqsiyada iyo qofnimadiisaba marxuun xasan jaamac caabi waxa uu ahaa qof dhawrsan samir badan daacad ah ixtiraam badan wanaaga jaceyl dadka isku soo dhaweeyay shaqada u guta si weyn oo uu u hagar baxo hawl qabadkiisa.

Marxuumka anigu ma arag waligii isagoo qof dhibayay ama ka cabanayay taasina waxey ku tusaysaa wanagiisa iyo fiicnaanta alle u dhaliyay sidoo kale waxa uu ahaa qof hab dhaqan u leh in uu dhiirigalin u muujiyo shaqsi kasta oo dadaal la yimaada.

Marxuumku alle ayaa ku manaystey

Dad la dhaqan wanaagsan oo ku muteystey quluubta bulshada ay is barteen ama wada shaqeyntu dhex marto.

Aniga waxa ii suurto gashey in an joob joog u ahaado meherkii xasan jaamac caabi oo ka dhacey burco arooskiisii oo ka qabsoomey hargeysa iyo jinaasadiisii oo ahayd xabaalaha xadrada ee xaafada october ee caasimada hargeysa intaasba waxa soo buux dhaafiyay khalqi tiro badan oo taageero weyn u hayaya Xasan jaamac caabi taasina waxay tusaale u ahayd wanaga iyo shaqsiyada marxuunku ku dhex lahaa bulshadiisa.

Radio hargeysa waxay wayday mid ka mid ah tiirarkii ay ku taagney ee dhidibada u qotoniyay guulaha ay ku talaabsatey in ka badan 30 sanno ayuu caqligiisa iyo cudiisa u hurey qarankiisa somalilan.

Dhalinyarada warfaafintu ma helayaan kaalintuu xasan jaamac caabi ugu jirey ee ahayd tilmaamin toosin huga tusaaley iyo talo siin iyo dhiiri galiye wanagsan buu ahaa

Ma jiro ayaan u maleynayaa sida xasan noo caawin jirey qof noo caawindo quluubteyda saameyn weyn ayuu ku lee yahay.

Anigu door weyn ayuu ku laha xirfadeyda saxafinimo waxa uu mrxuunku aha nin had iyo jeer i toosiya waxa iga dhimana ii sheega anigoo kaliya ma ahaa dad badan ayuu qalinka u soo qabtey oo uu barbaariyay xirfadooda saxafinimo isagoo lagu majeerto barbaarintiisii wanagsanayd ee uu dadka kale dheeraa.

Alle geeridiisa samir iyo iimaan ha inaga siiyo qoyskii eheladii iyo guud ahaanna bahda warbaahinta cawil khayr qaba ha noogu badlo.

Qalinkii, Ridwaan Caydiid Ismaciil

(Ridwaan-Akiid)

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: