Macalin Dhawaan Loo Xidhay Inay Madaxweynaha Isku Magac Yihiin Oo Warbaahinta La Hadlay

Hargeysa (Dhamays) – Muwaadin Magaciisu yahay Axmed Maxamed Maxamuud isla-markaana Naanays ahaan ula baxay SIILAANYO oo ah Naanaysta Madaxweynaha Somaliland, ayaa Markii ugu horeysay ka hadlay xadhig ay dhawaan kula kaceen Ciidammada Nabadgalyada Waddooyinka Somaliland, kuwaasi oo ku eedeeyay inuu Foojari-gareeyay Magaca Madaxweynaha.

Muwaadinkan oo ah Maamule ku-xigeenka Qaybta Wiilasha ee Dugsiga sare ee Nuuradiin ee Magaalada Hargeysa, ayaa ka warramay sidii loo xidhay, sidii loo soo daayey iyo kulan uu habeen hore la yeeshay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo Qasriga Madaxtooyada ku qaabiley.

Macalin Axmed Maxamed Maxamuud oo Xarunta Dugsiga uu Maamule ku-xigeenka yahay kula hadlay Warbaahinta Maanta, ayaa ugu horeyn ka warramay sida Ciidammada Nabadgalyada Waddooyinku u ogaadeen inay Madaxweynaha isku Magac yihiin waxaanu yidhi “Ciidammada Nabadgalyada Waddooyinka ayaa baabuur ka mid ah Gaadiidka u shaqeeya Dugsiga Nuuradiin ku ganaaxay Lacag, dabadeedna Ganaaxii aan bixiyey ayaa la iga soot ix-raacay, halkan Iskuulka ayaa la iigu yimid waxaana la igu yidhi waxa ku doonaya Taliyaha Ciidammada Nabadgalyada Waddooyinka, ardayda oo Daabuulka ku jira (Safka) ayaan si sharaf leh u raacay, halkii aan ka eegayey inuu Su’aalo I waydiiyo ayuun buu yidhi Gal sidii oo aan dambi galay. Dadkii i soo booqanayeyna Rasaas baa loogu jawaabay, aad-baanan uga xumahay Arrintaa. Waxa intaa raacda waxa la yidhi hala Damiinto maaddaama oo aanu wax kiis ah ku gelin Magaca Madaxweynaha, Waayo? waxaan Magaca SIILAANYO ula baxay Jacayl, waxaanan Magaca Jacayl dartii ula baxay wakhtigii qoxootiga (la joogay). Markaa Ninkaygii Magaca Jacayl ula baxay ayaa Magacii Kiis ku noqday.” 

Macalinkan oo la waydiiyey inu Naanaysta SIILAANYO ee lagu xidhay beddelay intuu u xidhnaa Magaca ay Madaxweynaha iskaga ekaadeen, “Markaan arkay Dad doonaya inay Magaca Madaxweynaha si kale uga faa’ideystaan, ayaan anigoo Sharafta Madaxweynaha dhowraya ayaan beddelay. Laakiin Ciidammadu waxay ii yimaaddeen Salaasadii, aniguna waxaan Naanaysta beddelay Sabtidii, laakiin Magaca umaan beddelin daba-socod ay Ciidanku i daba-socdeen.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka warramay waxyaabihii ay ka wada hadleen isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo markii ay Habeen hore kulmeen, “Madaxweynaha aad iyo aad baan ugu Mahad-naqayaa, waanan ku faraxsanahay  kulankaa aan la kulmay, isagana Sharaf-bay u tahay inuu Bulshadiisa la kulmo. Waxa taa ii raacda Madaxweynuhu wuxuu yidhi aad baan ugu faraxsanahay Qof aanu isku Magac nahay, Anigana taasi waxay i siisay Kalgacayl iyo Dhiiranaan, waxaanan ku faraxsanahay in hadda ka dib la I yidhaahdo Axmed Maxamed Maxamuud Xaddi (Siilaanyo).”

Macalin Siilaanyo wuxuu u Mahad-naqay Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro) oo uu sheegay inuu ka shaqeeyay siideyntiisa.
 

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal