“Maanta Waxan Ahay Nin Xisbiga Uu Ku Biiro Wax Ku Kordhin Kara” Xil-Saleebaan Cali Koore

Hargaysa (DMG)- Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali-koore oo ka mid ah mudanayaasha Golaha wakiillada Somaliland ee laga soo doorto gobollada Bariga dalka, ayaaa ka hadlay natiijada heshiiska hordhaca ah ee kasoo baxay wada-hadalladii magaalada Addis Ababa ay ku yeesheen xukuumadda Somaliland iyo maamulka Khaatumo, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay saraakiishii muddada dheer kasoo horjeedday jiritaanka Somaliland wakhtigan garwaaqsadeen wixii ay diidi jireen.

 

Xildhibaan Koore oo la hadlay warbaahinta, ayaa hoosta ka xarriiqay inay hoggaamiyayaasha kooxda Khaatumo ee haatan wada-hadalka la furay Somaliland raaceen dariiqii ay raaceen siyaasiyiin badan oo horeba qarannimada uga soo horjeeday, balse markii dambe qaranka qayb ka noqday, “Maadaama ay soo hoobanayaan oo soo daadanayaan dadkii Somaliland wakhtiga dheer kasoo horjeeday markii ay annaga na caayi jireenna waanu garanaynay inay halkan ku dambaynayaan, kuwii cayda la taagnaan jirey Tv-yaduna ma aha markii koowaade ay cay kadib halkan uun ku dambeeyaan, iyaguna kuwaas uun bay kamid yihiin”ayuu yidhi Saleebaan Yuusuf Cali-koore.

 

Isaga oo hadalkiisa sii wata xildhibaanku waxa uu tilmaamay in miisaankiisa siyaasadeed iyo meeqaamkiisuba kor u kacay, isla-markaana uu ku faanayo malaayiin cod-bixiyayaal ah oo dhawaan deegaanada Bariga dalka iska diiwaangeliyey, waxana uu yidhi xildhibaan Koore,.

 

“26-sanadood baanu sidii uu ku dhismi lahaa oo uu qaran lugihiisa isku taaga noqon lahaa kusoo jirney, xaqna waan u leeyahay inaan hankaas siyaasadeed yeesho, waxana aan is leeyahay maanta cid kaa mudan oo dadkaas ahi ma jirto, aniguna sidii hore ma ihiye maanta waan hubaysnahay waxana aan ku hubaysnahay cod, deegaanka aan kasoo jeedaana 60,000-kun oo cod buu leeyahay, hadalkayguna waa ka cod iyo miisaan duwan yahay sidii hore ee aan isu sharraxi jirey.”

 

Saleeba Yuusuf Cali-koore waxa uu intaas ku daray,“Maanta waxan ahay nin xisbiga uu galo wax ku kordhin kara oo leh awood ka dambaysa oo aan ahayn sidii waayadii hore ninka Dhulbahante uu ku iman jirey is-xambaar ama xisbiga uu galo in shakhsi ahaan loo isticmaalo mooyaane aanu cod ka dambeeya yeelan jirin, diyaarna waan u ahay wakhtigeeda iyo goobteeda, wayna imanaysaa.”

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: