“Maanta Laga bilaabo 1 Litre ee Naaftadu Ma dhaafi Karto 7200 Shilin,S/land,1 Litre ee Patroolkuna, 8200 Shilin S/land” Wasiirka Ganacsiga Somaliland

Hargeysa (Dhamays)- Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Somaliland Ayaa kulamo la yeeshay Shirkadaha shidaalka keena dalka.

 

Shir albaabadu u xidhnaayeen oo dhex maray wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi iyo qaar kamida ganacsatada soo dejisa shiidaalka shirkaasi ayaa waxa ay isla qaateen qiimaha lagu iibin karo shiidaalada kala duwan.
Mudane, Maxamuud Xasan Saajin, Wasiirka Ganacsiga,warshadaha iyo dalxiiska somaliland ayaa kadib markii kulankaasi soo dhamaaday la hadlay warbaahinta ayaa ka waramay kulanka ay la qaateen ganacsatada shiidaalka waxaanu yidhi “Markii aanu isku nimid anaga oo eegayna danta dadweynaha, si fiican ayaanu wada hadalnay waxaana meesha ku jiray laba shay kuwaas oo kala ah, qiime kordhin ay sameeyeen dadka shiidaalka keenaa iyo mid ay kordhiyeen dadka kaalmaha wax ku iibiya, dadka shiidaalka dibada ka keenaya suuqa ayaa keenay inay qiimaha kordhiyaan laakiin dadka kaalmaha ku iibiya maanu arag wax daruuri ka dhigaya inay qiimaha shiidaalka kordhiyaan, iyagana waxaanu ku nidhi wax ka tanaasula, waxaanan meesha ka saaraynaa kordhinta ay sameeyeen dadka kaalmaha wax ku iibiyaa.”
Gaba-gabadii hadalka wasiirka Ganacsigu waxa uu soo bandhigay qiimaha lagu iibin karo shiidaalada kala duwan ee dalka yimaada waxanu yidhi “Maanta laga bilaabo halka litir ee naaftada ah waxa lagu iibin karaa 7200 shilinka somaliland ah, korna uma dhaafi karto, Patroolkana 8200 shillionka somaliland ah koru ma dhaafi karo, halkii maalmahan lagaga iibiyey naaftada 7200,Shilin S/land Patroolkuna 8200 S/land shilin, ganacsatadana way ku mahadsan yihiin sida fiican ee ay wax noola qaateen.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: