Ma Xuma In Wax Khalday Dib Loo Saxo – W/Q: Mowliid Kibaar

Aan ku ibo furo, qormadan kooban tuducyo ka mid ahaa Gabaygii Galangal ee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi:- “Anigiyo garaadkay haddaan, idin guddoonsiiyo geestayda waa iga dhanyahay, galangalkaygiiye gadaashay ninkii odhanayow, gacanta ii haadi.” Inta badan ma jecli, in aan arrimaha siyaasiga ah ka hadlo. waayo, waxan ku diidaa ka hadalka siyaasadda, marka aad fakarkaaga cabbirto ayey dad maangaab ahi kugu qoonsanayaan oo ay kugu shaabadaynayaan qabiili amma Gobol heblaayo, anna waxa i deeqa qaranka Somaliland ee qoys ima deeqo. Haddana, uga aamusimayno baylahda iyo fongoraha ka jira qaranka iyo guud ahaan bulshada dhexdeeda, hebel baa kugu shaabadayn, waxanad raali ka ahayn. Markaa hadda ba, si wax loo saxo ha laga shaqeeyo dhalinyaro ku midaysan lexejeclo waddaniyadeed, kuwaas oo aanay hoosta ugu laabnayn dano shakhsiyadeed, amma ujeedooyin kale. Qaar ka mid ah Dhallinta afkaartan wada waxa iiga muuqda shakhsiyaad muddakar ah oo ay dhab ka tahay qaranimada somaliland. Waxa se jira, wejiyo badan oo marka horeba mugdi kaga jiro mabda’a qaranimada somaliland. Markaa kuwaa sidee loo arki karaa, dhalliishoodu se ma tahay mid sax ah. Marka ay bulshadu aragto dhallinyarada qaarkood oo maanta wax la saxo ka sheekaynaya, Su’aalaha ay is weydiin karaan waxa ka mid ah; “afkaartan Dhallinyarada wadda, ma ku soo dhuuman karaan dad xambaarsan afkaar la soo waariday oo lid ku ah qaranimada dalka. Way dhici kartaa, markaa si gunn-dheer ha loo derso habka iyo hannaanka wax loo sixi karo, iyo cidda sixitaankiisa la qaadan karo. Maalin baa waxa dhacday, laba dhallin yaro ah oo arrimahan oo kale ka doodayey ayaan isku dhegaystay. Mid baa dawladii xilligaa jirtay ee somaliland dhalliilay. Wiilkii kale ayaa ugu jawaabay; goorma ayey caddaalad daradu dhacdaa?… isagii baa hadalka sii watay oo yidhi; ma marka reerkiinu aanay madax ka ahayn bay kuu muuqataa maamul xumada iyo caddaalad daradu. Waxan uga socdaa, yaanay arrintu sidaa u eegaan. Dhallinyarada aqoon yahanka ah ee marwalba fikirkooda waddaniyada iyo lexejeclada leh ee ay wax ku saxayaan la soo garab taagnaa dawladihii kala danbeeyey ee dalka soo maray, iyaga waan ammaanayaa, in afkaartooda ay tixgeliyaan masuuliyiinta qaranku ayaa loo baahan yahay. Laakiin, dhallinyarada weli uu qoyan yahay qalinkoodii ay ku ammaanayeen xukuumad dalka soo martay iyaga oo ku difaacayey xigtaysi amma gobolaysi waxan odhan lahaa, xataa haddii uu sax yahay khaladaadka aad tilmaamaysaan, waxa qumman in aad iska aamusto oo aanad sacabka dhabqin. Sababta oo ah, marka jaraha shaxdu kaa oodan yahay waa laga muquurtaa. Waayo bulshadeenu waa shacab ay biyo dhigtay qabyaaladu, waxay kuu arkayaan uun nin jibo reer wado, markaa adigu ciyaartu way kaa xidhan tahay fakarkayga gaaban. Gunnaanadkii, waxan dhallinyarada iyo aqoon yahanka Jamhuuriyadda Somaliland u soo jeedinayaa, in aan mar walba soo jeedino afkaar waxa dhisi karta oo aan ugu nasteexaynayno hadba cidda masuuliyada qaranku gacanta ku hayso, Isla markaana aan ka fogaano hadalada naca iyo kala faquuqa bulshada dhexdeeda keeni kara. Kursigu hal shakhsi baa fadhiista ee laba qof mar qudha kuma wada fadhiistaan. Markaa dhalliisha iyo canaanta wax lagu toosinayo aan ku koobno cidda hadba midida daabkeeda haysa. Waxan qormadaydan kooban ku soo illo-xidhayaa beydad ka mid ah maansadii Gurmad ee Alle ha u Raxmee Abwaankii Maxamed Xaashi Dhammac Gaariye:- “Haddaad gorod diidan tahay Ku koob dirirtaada gorod Ha nicin gobolkuu ka yimid Ha Giijin Xadhkaha ha jarin. Ha goynin Waxa la isku yahay”. W/Q. Mowliid Cumar Kibaar
Open chat
soo dhawoow walaal