LIVE: Doodda Musharraxiinta Somaliland Oo Kululaatay

Hargeysa (Dhamays) – Saddexda Musharrax ee Xisbiyada KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, WADDANi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa Dood loogu qabtay Magaalada Hargeysa, taasi oo hadda si toos ah uga socota Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Dooddan oo ay soo abaabuleen Dhallinyaro Aqoonyahan ah oo la baxay Inspire Group, ayaa waxa Musharraxiinta lagu waydiinayaa Su’aalo la xidhiidha kooda ku guuleysta doorashada Madaxtooyada waxyaabaha uga qorshaysan  qorshaysan Horumarinta Adeegyada Caafimaadka, Amniga, Xoolaha, Qadiyadda Somaliland, Madax-bannaanida Garsoorka, Dhallinyarada, Maal-geshiga iyo Horumarinta Adeegyo kale oo muhiim ah u Dalka iyo Dadkaba.

Saddexda Musharrax oo Dooddooda si toos ah looga baahinayo Telefiishannada Afka Soomaaliga ku hadla badankooda, ayaa waxa sidoo kale toos u daawanaya Dadweyne tiro badan oo tagay Goobta lagu qabtay Doodda.

 Halkan Toos uga Daawo Dooddan

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: