Laba Masuul Oo Maanta Iska Casilay Xisbiga WADDANI

Hargeysa (Dhamays) – Guddoomiye ku-xigeenkii qaaradda Yurub ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Khaalid Xasan X. Diiriye iyo Caasha Xuseen Mareykan oo ka mid ah masuuliyiinta xisbigaas ayaa si wada-jir ah ugu dhawaaqay inay iska casileen xubinimadii xisbigaas Maanta.

Masuuliyiintan oo Maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa is-casilaadooda iyo ka bixitaanka xisbiga Waddani ku sababeeyay ajandeyaal cusub oo siyaasadeed oo ay kusoo kordhiyeen xubno kaga soo biiray xisbul-xaakimka iyo xukuumadda talada haysa, kaasoo ay sheegeen inay majaro-habaabiyeen Guddoomiyaha ahna musharaxa xisbiga.

Guddoomiye ku-xigeenkii qaaradda Yurub ee Waddani Khaalid Xasan X. Diiriye oo ugu horeyn shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay. “Waxaan halkan ka caddeynayaa anigoo ahaa guddoomiye ku-xigeenkii qaarada Yurub ee xisbiga Waddani inaan gebi ahaanba iska casilay xilkii, xubintii golaha dhexe iyo xubinimadii xisbigaba.”

Khaalid Xasan X. Diiriye oo ka hadlaya sababta is-casilaadooda ayaa yidhi. “Muddo kooban baan dalka joogay, markii aan imid halkan (Somaliland) waxaan la kulmay in xisbigii u afduuban yahay koox kasoo cadhootay xukuumadda oo si kooxaysan u afduubay Guddoomiyihii xisbiga oo ujeeddada iyo ajandaha siyaasadeed ee ay wataana ay tahay Muuse aynu ridno oo ah cadho bariis ka kacday iyo xilalkay ka yimaaddeen niman ku taamaya, markaa annaga way nala noqon wayday inaanu shacabka Somaliland ka iibino Muuse rida, waxaanan leeyahay qolada Waddani ee ku hadhay meesha isku daya sidaad usoo badbaadin lahaydeen guddoomiyaha xisbiga ee kooxdaas u afduuban. Hankayaga siyaasaddeedna waanu sii wadaynaa, xisbiyada qarankana waanu ku biiri doonaa.”

Caasha Xuseen Mareykan oo ka mid ah masuuiyiinta sare ee xisbiga Waddani, isla markaana hormood u ahayd xubno xisbigaas kal-hore kaga soo biiray xisbiga mucaaradka ah ee UCID  ayaa sheegtay inay u madax-banaan yihiin ku biiritaanka xisbiyada qaranka, maaddaama oo ay ku qanci waayeen siyaasadda xisbiga Waddani, waxaana ka mid ah hadalladeedii. “Waxaan halkan ka caddeynayaa inaan iska casilay guddidii fullinta, golihii dhexe iyo xubinimadii xisbiga Waddani waxa jira axsaab badan, waxa loo sameeyay

xisbiyada qaranka, marka aad xisbi garan waydo inaad ku kale ku biirto.”

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: