La-taliyaha Wasiirka Shaqo-gelinta Iyo Arrimaha Bulshada Oo Farriin U Diray Madaxweynaha

Hargeysa (Dhamays) – La-taliyaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Shaqo-gelinta Somaliland Axmed Maxamed Shaqale, ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi u soo jeediyey inuu si gaar ah isha ugu hayo Wasaaradaha Dhallinyarada iyo Arrimaha Bulshada, kuwaasi oo uu sheegay inay dhamaystir u baahan yihiin.

Axmed Maxamed Shaqale oo Shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in Shacabka Somaliland ay boqolkiiba 70 yihiin dhallinyaro, sidaasi darteedna Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Biixi looga baahan yahay inay dhallinyarada wax badan u qabato, si taasi u hirgashana la dhamaystiro Wasaaradaha Dhallinyarada iyo Arrimaha Bulshada, waxaanu yidhi “Qaranka Jamhuuriyadda Somaliiland boqolkiiba 70 waa dhallinyaro, sidaasi darteed waxaan jecelahay inaan halkan farriin uga gudbiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.”

Mr. Shaqale waxa kale oo uu sheegay “Madaxweyne, Xisbiga KULMIYE adigaa na baray 2002-dii Aniga oo ku jira Dugsiga dhexe, adigoo wakhtigaa ahaa Xubin ka tirsan ururkii Sahan, markii dambana ku biira KULMIYE, wakhtigaa illaa Maantana waxaan ahay xubin ka tirsan Xisbiga KULMIYE, Xisbigana ku taageeray siyaasaddiisa. Aniga oo ahaa Guddoomiye urur Bulsho ayaan si gaar ah u taageeray KULMIYE una ololeeyay, waxaan ugu ololaynayey qabyaalad ma ahayn ee Danta qaranka ayaan ka dhex arkay, taasoo aan Maantana ka rejaynayo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Madaxweyne aniga oo kuugu hambalyeynaya Xukuumadda kooban ee aad soo dhistay iyo Nidaamka Haykalka Dawladnimo ee aad soo celisay, waxaanu ku leenahay sidaad u eegtay Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaradda Caafimaadka, waxaanu kaa codsanaynaa inaad dhamaystirto Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Shaqo-gelinta, dhamaystir weyn bay Madaxweyne kaaga baahan yihiin, waxaanan kaa codsanayaa inaad si gaar ah isha ugu hayso, wixii Talo iyo tusaale ahna diyaar baanu kuula nahay oo waanu ku soo gaadhsiinaynaa.”           

La Taliye Shaqale wuxuu amaanay Wasiirka Arrimaha Bulshada iyo shaqo-gelinta “Wasaaradda Shaqo-gelinta, arrimaha Bulshada iyo Qoyska muddada aan joogay Wasiirro badan baa soo maray, laakiin waxaan Madaxweynaha Somaliland ugu Hambalyeynayaa inuu Wasaaraddaa u Magacaabay Wasiir Karti leh, daacad ah, Waayo? Ragga waxa ka daacadsan Dumarka.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ilaa Maalintii uu Madaxweynuhu Magacaabay illaa Maanta Wasiirkaasi waxay qabatay Waxqabad badan..”

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: