Kuwait Oo Qabanaysa Shir Xal Loogu Raadinayo Xiisadda Dalalka Khaliijka

USA (Dhamays) – Xoghayaha arrimaha dibedda ee Marayakanka Rex Tillerson ayaa ku sugan dalka Kuwait, halkaas oo u kaga qaybgeli dooni wada-hadallo ujeedadoodu ay tahay in lagu xalliyo xiisadda u dhexeysa dowladda Qadar iyo waddamada Khaliijjka.

Bishii aynu soo dhaafnay ayay ahayd markii Sucuudi Carabiya, Masar, Baxrayn iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa xidhiidhkii diblamaasiyad u jareen dowladda Qadar, iyaga oo ku eedeeyay in ay deganaansho la'aan ka wado gobolka.

Mr Tillerson ayaa khibrad balaadhan u leh gobolka, waxaa aanu horey madax uga ahaa shirkad shidaal, waxaana lagu wadaa in u wada-hadalo la yeesho madaxda Kuwait, Qadar iyo Sacuudiga.

Afarta dal ee Carbeed ee hoggaaaminaya go'doominta ka dhanka ah Qadar ayaa diidmada Doxa ee dalabkooda ku micneeyay halis ammaanka gobolka ka dhan ah.

Qadar oo toddobaadkan horraantiisii diiday dalabka ay soo gudbiyeen dalalkan uu Sacuudigu hor-kacayo ayaa iska fogaysay eedaymaha loo soo jeediyay.

War ay si wadajir ah u soo saareen Toddobaadkii hore, ayaa Sacuudi Carabiya, Baxrayn, Masar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ay sidoo kale kaga digeen tallaabooyin dheeri ah, waxayana intaasi ku dareen in diidmada Qadar ay ka dhigan tahay sida ay u doonayso in ay sii wado siyaasaddeeda ay uga gol-leedahay in ay ku burburiso ammaanka gobolka.

Waxaa kale oo ay ku hanjabeen in ay soo saari doonaan tallaabooyin siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ka dhan ah dalkaas yar ee Khaliijka ku yaalla, iyaga oo aan arrintaas faahfaahin dheeri ah ka bixinin.

Waxyaabaha ay dalalkaasi Qadar ka dalbadeen waxaa ka mid ah in ay albaabada u laabto Warbaahinta Al-Jazeera iyo in ay hoos u dhigto cilaaqaadka ay Iiraan la leedahay iyo sidoo kale in ay ku soo wareejiso dad ay argagixisonimo u raadinayaan.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: