“KULMIYE Maaha Qofka Markii Xilka Laga Qaaday Meel Kale Tagay..” Cabdicasiis Samaale

Burco (Dhamays) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa Shalay Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer kula hadlay Fagaaraha Khayriyada ee Magaalada Burco, ayaa mar labaad ku celiyey in Xisbiga KULMIYE uu ku guuleysanayo Doorashada Madaxtooyada ee Ololaheedu socdo.

Cabdicasiis M. Samaale waxa uu sheegay inay ku kalsoon yahay in Xisbiga KULMIYE uu mar kale ku guuleysanayo Doorashada Madaxtooyada, Shacabka reer Togdheer-na ay Codkooda siin doonaan Xisbul-xaakimka.

Mr. Samaale oo Maanta khudbad dheer u jeediyey Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE ee Magaalada Burco, ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Dalka waxa tartamaya Saddex Xisbi Qaran, Saddexduba waa Walaalo, laakiin waalla tartamayaa oo waa la kala badinayaa, haddii Alle yidhaahdo KULMIYE ayaa badin doona sow maaha ?, Codka uu ku badinayo waa Codkiina sow maaha? Musharraxa KULMIYE ayaad Codkiina siinaysaan sow maaha..”? ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaynu doonaynaa inaynu dhamaystirno Taariikhdaa wanaagsan ee Xisbiga KULMIYE, waxaynu Codkeena siinaynaa Musharraxa KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.”

Cabdicasiis Maxamed Samaale wuxuu ka hadlay Siyaasiyiinta Xilalka ka soo qabtay ee marka Xilka laga qaado sheega inay ka baxeen Xisbiga KULMIYE, waxaanu sheegay kuwaasi in aanay Xisbiga ka mid ahaayeen ee Xilka oo keliya ku ahaayeen “Qofka KULMIYE ku yimid Xil loo dhiibay oo keliya, ee marka Xilkaa laga qaadano meel kale tagay isagaa Xor ah oo Madax-bannaan, laakiin maaha Xisbiga KULMIYE..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Annaga oo ILAAHAY iska xidhayna, Dadkana si wanaagsan Codkooda u waydiisanayna, waxaanu hubnaa in Maanta KULMIYE uu Boqolkiiba in ka badan uu helayo Codadka Shacabka.”

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: