Kuliyada Sidam Collage oo Xaflad Qalin jabina u Qabatay Difacadii 15Aad ee ka Baxda Kuliyadaasi+Maamulka Sidam oo shaaciyay War Cusub

Hargaysa(Dhamays)

Difcadan oo ahayd Difacadii 15Aad ee ka Baxda Kuliyadan ayaa munasibad Sabootina waxa loogu qabtay Hotelka Green place ee magaalada Hargaysa waxaana ka soo qayb galay maamulka kuliyada SIDAM Macalimiinta kuliyadaasi,masuuliyiin ka tirsan xukuumada ,Madaxka tirsan Xisbiyada Siyaasada iyo waalidiinta ardayda Sidam Collage .

munaasibadan oo ahayd mid ay si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka qalibaninaayay 400 arday oo ka baxay kuliyadaasi, waxaana munaasibadan ugu horeynba ka hadlay maamulaha Guud ee Kuliyada Sidam Collage mudane :Mukhtaar Maxamed Axmed waxaanu ka warbixiyay Taariikhda Kuliyada iyo maraaxilkii ay soo martay Kuliyada Sidam Collage isagoo Dhambaal Hambalyo ah u diray Ardayda Qalinjabisay iyo waalidiintooda iyo dhamaan macalimiinta Sidam Collage.

maamulaha kuliyada Sidam Collage ayaa munaasibada kaga dhawaaqay inay sannadka dambe furayaan Jaamacad Sidam university halkaas oo uu ugu Bushaareeyay Dhamaan bulshada Caasimada Hargaysa ku Dhaqan.

madax dhaqameed iyo Masuuliyiin ka socday wasaarada waxbarashada somaliland iyo Xisbiyada Mucaaridkaa ee Somaliland oo iyaguna ka hadlay Goobta ayaa dhamaantood Hambalyo ah u diray maamulka iyo ardayda kuliyada Sidam iyagoo halkaasi ka jeediyay weedho waano ah oo ay u direen ardaydi Qalinjabineysa iyo kuwa wali wada aqoonta kuliyadani bixiso .

ugu dambayntii waxa halkaasi shahaadooyinkii lagu gudoonsiiyay 400 Ardayd ee ka baxay kuliyada Sidam Collage

Halkan ka Daawo Muuqaalka warkan.

mustafe Axmed Herer

Dhamaysnews/Office

Hargaysa/Somaliland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: