Kulan Caawa Madaxtooyada Ku Dhex Maray Guddida Qaran Ee La Dagaalanka Sicir-bararka Iyo Ganacsatada Somaliland

Hargeysa (Dhamays) – Kulan ay isugu yimaaddeen Guddida Sicir Bararka iyo Ganacsatada dalka, ayaa Caawa ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, waxaana lagaga wada-hadlay Sidii la isku kabo-raacin lahaa Sicir-bararka Lacagta Dollarka, kaasi oo uu dhawaan Madaxweynuhu ka soo saaray Wareegto uu Qiimo gaar ah ugu sameeyay Sarrifka Lacagta Dollarka.

Kulankan, ayaa markii uu soo dhamaaday waxa Saxaafadda la hadlay Wasiir ku-xigeenka maaliyada Cali Axmed Maxamed iyo Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri Jaamac, waxayna ka warrameen waxyaabihii kulankaa lagaga wada-hadlay iyo wixii ka soo baxay.

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda oo ugu horeyn Saxaafadda la hadlay, ayaa yidhi, “Waxa shir wada yeeshay ganacsatada kala duwan ee wax dhoofisa, soona dejiya iyo guddidii ka shaqaynaysay qiimo u yeelida shilling-ka Somaliland.

Kulankaas oo ahaa mid is-faham iyo xog-wareysi iyo sidii qorshe guud iyo jawi wada shaqayneed looga yeelan lahaa hawsha la rabo in qiimo loogu yeelo shilling-ka Somaliland, waxaanu uga mahad-naqaynaa sida wanaagsan ee ay u soo ajiibeen iyo sida ay gacanta nooga siiyeen ganacsatada dalka ee kala duwan, waxaan guddi ahaan xaqiijinayaa oo aan u sheegayaa shacabka reer Somaliland inay ganacsatadu si wanaagsan noola shaqeeyeen intii aanu hawshan wadnay, waxa jira ganacsato fara badan oo lacag badan oo shilling-ka Somaliland ah oo bangiga u yaalay aanu xayirnay, annagoo ka duulayna qorshahan, si wanaagsanna way noogu raaceen.”

Wasiir ku-xigeenku waxa kale oo uu sheegay, “Kulankani wuxuu ahaa mid aanu isla meel dhignay sidii aanu uga wada shaqayn lahayn guud in shilling-ka Somaliland uu noqdo mid qiimo yeesha, waxaana la isla qaatay oo la isla meel dhigay qorshe hawleed laga midaysan yahay oo mustaqbalka lagu wada shaqeeyo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Runtii way muuqdaan dhaliilo ku jira hawshii ay dawladdu soo saartay, kuwaasoo la xidhiidha dhinaca suuqa madaw, laakiin waa wax ka bixi doona muddooyinka dhaw ee socda. Annagu xukuumad ahaan waxaanu hakinay isticmaalkii shilling-ka Somaliland, waxaanu soo saarnaa mushaharka iyo kharash hawleedyada oo keliya, taas waxaanu uga jeednaa inaanu qiimo u yeelno shilling-ka Somaliland, ganacsataduna guud ahaan waxay nala qaateen qorshahaas si qurux badanna way noogala shaqeeyeen"

 

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri, ayaa isaguna yidhi, “Ganacsatada, xukuumadda iyo guud ahaan dadka reer Somaliland laba qolo ma nihin ee qolo keli ah ayaynu nahay, dan keliya ayaynu wada leenahay, shilling-kana xukuumaddu ma laha ee waynu wada leenahay, oo waa wax inaga dhexeeya, hadduu qiimo yeesho dhamaanteen buu qiimo inoo yeeshay, hadduu qiimo dhacana dhamaanteen buu inaga wada dhacay. Sidaa darteed arrin cid gaar ah lagu durraamanayo ama laga baryayo inay ilaaliyaan maaha, aragtidana waa lagu kala duwanaan karaa, ee muhiimaddu waxay tahay intii ay masuuliyadda arrintaas ka dhexaysaa inay isku yimaaddaan oo ay ka wada tashadaan."

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: