Komishanka Doorashooyinka Oo Shaaciyey Xilliga Ay Kaadh-qaadashadu Ka Bilaabmeyso Gobolada Togdheer, Awdal iyo Maroodi-jeex

 

Hargeysa (Dhamays)-  Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland Md.
Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac),ayaa maanta shaaciyay wakhtiga ay bilaabmayso
kaadh qaadashada Saddexda Gobol, isla markaana waxa uu fariin u direy bulsho-weynta reer
Somailand.

Gudoomiye Cabdirashiid Riyo-RAAC oo maanta warbaahinta la hadlayay, ayaa sheegay in 31
March 2021 ay gobollada Maroodi-jeex, Awdal iyo Togdheer ka bilaabmi doonto qaadashada
kaadhadhka codbixintu:”Waxa berito (Salaasa) la kala dirayaa dhammaan hawlwadeenadii,
agabkii iyo kaadhadhkii, Gadiidkii iyo ciidamadii saddexda gobol ee ay kaadh qeybintu ka
bilaabmeyso oo kala ah AWDAL, MAROODI-JEEX iyo TOGDHEER. Berito (Salaasa) waxay
noqonaysa kala dirid, oo loo kala baxayo goboladaas iyo degmooyinkooda.” Ayuu yidhi.

Md. Cabdirashiid Riyo-RAAC waxa uu sheegay inay saddexda Gobol kaadh qeybintu ka socon
doono muddo saddex cisho, waxaanu yidhi: “31 March 2021-ka oo ah Arbacada goob kasta oo
diwaan-gelin laga sameeyey ayaa si rasmiya loo furi doonaa, waxa meesha diyaar ku noqonaya
kaadhadhka dhammaan dadkii iska diwaan-geliyay.”

Waxa uu Guddoomiyaha Komiishanka doorashooyinku Bulshada gobolladaas ee Kaadhadhka
qaadanaysa u soo jeediyey inay jaaniska ka faa’iidaystaan maaddaama qofka fursaddani
dhaaftaa dib-u-heli doonin Kaadhkiisa, isla markaana raacaan tilmaamaha Wasaaradda
Horumarinta Caafimaadka Somaliland ee Ka hortagga Sadhada COVID-19 oo Dalka Dib uga
Dillaacay.

Guddoomiye Riyo-raac, waxa uu sheegay in wixii ka dambeeya qaybtinta kaadhadhka
saddexdaas gobol loo diyaar-garoobayo doorashada isku sidkan ee Deegaanka iyo Wakiilladda
oo u muddaysan 31-ka bisha May ee 2021-ka, waxaanu u Mahad-naqay Xukuumadda,
Xisbiyada iyo Beesha Caalamka.

Open chat
soo dhawoow walaal