Khilaaf Cusub Oo Soo Kala Dhaxgalay Isuduwaha Wasaradda Caafimaadka Gabiley Iyo Haayadihii Ay Wadashaqaynta Lahayeen!

Gabiley (DMG)-Bulshada reer somaliland ayaa ku mashquulsan sidii xal loogu helilahaa abaaraha baahsan ee mudada soo noqnoqanaya kuwaasi oo ay usii dheer tahay sixir bararka ku yimid maciishada quutal daruuriga ee la quuto.

Haseyeeeshee waxa jira cadaadis iyo dhibaato xoogan oo soo wajahday bahda caafimaadka ee ka hawlgala gobolka gabiley , cadaadiskan oo kaga imanaya iskuduwaha gobolka oo ku cusub xilka islamarkaana ay shaqada xilku ku balaadhatay ayaa culays ku abuuray shaqaalaha kala duwan ee ka hawlgala gobolkaasi.
xidiidhka wadashaqayneed ee laamaha caafimaadka ee gobolka hadii ay tahay MCH, ama cusbilaatada degmooyinka hoos yimaada gabilay ayaa hoos u dhacay, isaga oo uu maamulkastaa iskii isku maamulo xidhiidhkooda wadashayneedna uu noqday mid ka gaabiya shaqadii looga baahnaa, kuwaasi oo sababay in ay ka gaabiyaan adeegyadii ay bulshada u hayeen.

ila wareedyo aanu la xidhiidhnay ayaa noo xaqiijiyay in iskuduwaha caafimaadka ee gabilay DR. Ciise Sheekh Muxumed Warsame oo xil u magacaabay mid ka mid ah caruurtiisa, xilkaasi oo ah qolka kaydka dawaada (ware house) halkaasi oo uu hore u maamuli jiray shaqaale ka tirsan wasaradda horumarinta caafimaadka ee gobolka gabilay.

sidoo kale waxa jira khilaaf soo kala dhaxgalay iskuduwaha iyo haayadihii ay wada shaqaynta lahayeen gobolka sida: Save the childern,wold vision, the light iyo Bisha Cas , kuwaasi oo ka caawin jiray adeegyada hooyada iyo dhalaanka, tobobarada kalkaaliyeyaasha ka hawlgala laamaha kala duwan ee caafimaadka Gobolka Gabilay.