Khilaaf Culus Oo Ka Dhex Qarxay Dawladda Hoose Ee Hargeysa, Markii Maayarku Bixin Waayay Mushaharka Shaqaalaha

Hargeysa (Dhamays) – Khilaaf culus ayaa soo kala dhex galay Xoghayaha Fulinta ee Dawladda Hoose ee Magaalada Hargeysa Cali Xasan Maxamed iyo Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko).

Khilaafkan oo ku saabsan dhanka Maamulka Hawlaha Dawladda hoose u hayso Shacabka Caasimadda Hargeysa oo huursanaa isla-markaana la qarinayey, ayaa dibedda u soo baxay Maanta, ka dib markii Xoghayaha fulinta ee Dawladda Hoose ee Hargeysa Cali Xasan Maxamed uu Shir-jaraa’id ku sheegay in Maayarka Hargeysa uu Dawladda Hoose ka dhigay sida Shirkad si gaar ah loo leeyahay, sidaasi darteed uu Maayarku caqabad ku noqday shaqo kasta oo uu ka qaban lahaa Dawladda Hoose, hor istaagayna tallaabo kasta oo uu ku doonayo inuu ku saxo khaladaadka dhanka shaqada ee Dawladda Hoose.

Xoghayaha fulinta ee Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa Shirkiisa jaraa’id ku sheegay in Dawladda Hoose ka socon la’dahay Maayar Soltelko, isagoo intaas ku daray in waxyaabaha ugu waaweyn ee isaga iyo Maayarku isku khilaafeen ay ka mid tahay Maayarka oo  hor-taagan Mushaharka shaqaalaha Dawladda Hoose.

Warkaasi oo faahfaahsan Halkan Hoose ka Daawo

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: