Khatarta Soo Laba-kaclaynta Covid_19 Oo Looga Digay Shacabka Somaliland

Hargeysa (Dhamays)  – Xukuumadda Somaliland, ayaa soo jeedisay in la soo celiyo Hababkii lagaga Gaashaamanayey Xanuunka Covid_19, maaddaama oo uu Xanuunku dalka ku soo laba-kacleeyay isla-markaana khatar badan jirto.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Albaani oo ka mid ah Guddiga Qaran ee ka hor-tagga Xanuunka Covid_19, ayaa Shir-jaraaíd oo uu Maanta ku qabtay Magaalada Hargeysa, wuxuu Bulshada u diray baaq ah inay soo celiyaan dhammaan Nidaamkii lagaga hor-tagayey Xanuunka Covid_19, sida Kala Fogaanshaha Dadka ee Goobaha la iskugu yimaaddo, sida Masaajiddada, Malcaamadaha, Iskuullada iyo Madaaariista iyo suuqaba, isla-markaana la ogaado xidhashada Af-saabka iyo Faraxalka joogtada ah.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Al-baani oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Waxa innagu soo laba kacleeyay Xanuunka Covid_19, si xooggana wuu u faafayaa sida Bahda Caafimaadku caddaysay, gaar ahaan Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, xanuunnaduna waxay ka mid yihiin waxyaabaha uu Ilaahay SW uu Ummadaha ku sallido, isagaana keena, isagaana qaadi kara Ilaahay, Caqiiqadeedana waxa mid ah in wixii Ilaahay keeno aynu marka koowaad ku samirno, waxayna shareecadu inoo ogolaatay in Xanuunnada la iska daweeyo oo weliba Xanuunnada Faafa la is karantiimeeyo sida Nebiguba CSW uu sheegay.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Markaa guud ahaan Shacabka Somaliland waxa looga baahan yahay inay qaataan oo ay aqbalaan Talooyinka Bahda Caafimaadka iyo Guddiga Qaranka ugu xil-saaran Covid_19-ka, oo dhammaan meelaha la iskugu yimaaddo, sida Maqaaxiyaha, Madaariista, Malcaamadaha iyo Masaajiddada in la soo celiyo nidaamkii kala fogaanshaha, in Macalimiinta iyo Imaanyadu ay siiyaan Talo-bixin Dadka ay xilkooda hayaan oo ay ku guubaabiyaan inay soo xidhaan Af-saabka, faraha maydhaan, kala durkaan, Goobaha Cibaadada ha noqoto, Suuqa ha noqoto iyo meel kasta oo la iskugu yimaaddo, in la isdaweeyaana waa shay Sunne ah ayay Cuimadu yidhaahdeen..”

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Open chat
soo dhawoow walaal