JAMES SWAN KHATARTIISA SOMALILAND WAXA AY ARKI DOONTAA WAKHTI AAN WAXBA LAGA QABAN KARAYN

Dhamaan waxa aan daawanay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Hon.Muse Bihi Abdi oo leh in aanu jirin wadahadal u dhaxeeya Somaliland iyo Somalia ilaa ay u garqaadaan beesha caalamka,aanayna tahay wax aanay Somaliland qaadan karin marka siyaasiyiinta Somalia ay ku andacoodaan in wax kasta ay yeelayaan oo aan ahayn Somaliland oo wadan noqota. Waa khudbad qaayo leh oo uu jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muse Bihi Abdi.Laakiin Madaxweynaha ayaa ah mid aan qaadan talooyinka aan usoo jeedinayno. Tusaale ahaan,waxa ay nagu qaadatay hal sano inaan u sheegno in Madaxweynaha Qaranka Somaliland uu samaysto ( Blue Check Mark ) ayna samaystaan Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Somaliland,laakiin hadda oo ay samaysteen waa mid faan iyo qabweyni u ah dadka doonaya in Somaliland ay noqoto wadan ka muuqda wadamada aduunka. Dhinaca kale,dhamaan wasaaradaha kale ee Somaliland sida Wasiirka Warfaafinta Somaliland,Wasiirka Maaliyadda Somaliland,Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa aan lahayn ilaa hadda ( Blue Check Mark ). Waxa laga yaabaa dadka qaarkood in ay karahsadaan ku celcelinta arintaas aan ku celcelinayo,laakiin waa mid muhiim ah. Tusaale ahaan,Ra’iisal Wasaaraha Somalia Hassan Ali Khaire ayaa u sheegay madal ay joogeen ( Qaramada Midoobay ) in Somalia ay la kaashanayaan Qaramada Midoobay in ay ku soo biirto Somaliland,isaga oo hadalkaas soo dhigay ( Twitter ). Jawaabaha ay bixiyaan madaxda Somaliland waxa ay u muuqanayaan oo kaliya shacab ka falcelinaya ama aan jeclaysan hadalka Ra’iisal Wasaaraha Somalia,waayo madaxda Somaliland ee ka falcelinaysa hadal kasta oo ka soo baxa madaxda Somalia ayaa aan qiimo weyn lahayn,maadaama aanay lahayn ( Verified Account ) oo aan la aaminayn jawaabahooda. Waxa kale oo uu ku eedeeyey Somaliland madaxdeeda in aanay madaxda caalamka aaminaad ku qabin in ay la xidhiidhaan. Hadalkaas marka aad eegto waxa uu uga jeedaa in madaxda Somaliland aan la aamini karin,maadaama aanay lahayn calaamadda lagu garto qofka masuulka ah ee isticmaalaya ( Blue Check Mark ),taas oo ah mid run ah. Kama filanayno cadawga Somaliland in ay amaanaan Somaliland,laakiin waxa ay ogaadèen in aanay jirin is fahan dhexdeena ah.Tusaalaha ayaa ah in arin fudud,sida arinta aan kor ku soo sheegay oo ah in aanay jirin xidhiidh u dhaxeeya dadka haya wararka muhiimka ah ee kasoo jeeda Somaliland iyo madaxda Somaliland. Ma jiraan madax u shaqaysa Somaliland oo aad u gudbin karto khatar ku soo socota,maxaa yeelay malaha hay’ad isku xidha labada dhinac,halka ay Somalia ay leeyihiin. Halka Somalia ay leeyihiin qurbajoog la socodsiisa khataraha kusoo fool leh iyo hay’ado u qaabilsan fulintooda oo jooga Muqdisho kuwaas oo ku xidhan dadka u qaabilsan hawlaha muhiimka ah ee jooga meelaha loo baahanyahay. Dhamaan Madaxda Somaliland waxa ay u baahanyihiin in ay yeeshaan ugu yaraan twitter ( Verified ) ah si beesha caalamka ay u aaminaan madaxda Somaliland. Marka aan usoo noqdo,qoraalkan oo aanan ka saari doonin ilaa December 2020,ayaa waxa uu James Swan uu been ka sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muse Bihi Abdi iyo shacabka Somaliland ee doonaya in ay helaan madaxbanaani buuxda. Waxa uu James Swan uu u sheegay Cherith Norman oo ah Wakiilka u joogta Maraykanka Qaramada Midoobay inuu bilaabmay heshiis heer sare ah oo u dhaxeeya Somaliland iyo Somalia ayna si fiican wax kasta ay isula afgarteen labada dhinac. Waxa aan dhawaan arki doonaa jawaabta Wakiilka ujoogta Maraykanka ( UN ) Cherith Norman oo jawaabteeda aanay jeclaysan doonin dadka Somaliland,laakiin khaladka kama uu iman Miss Cherith Norman ee khaladka waxa uu ka yimid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo aan dhagaysanayn talooyinka hadii uu qaadan lahaa ay dhexda ka jabi lahaayeen dadka ka soo horjeeda Somaliland. Waayo ma jiro xidhiidh adag oo u dhaxeeya qurbajoogta Somaliland iyo dawladda uu hogaaminaayo Madaxweyne Biixi ee Somaliland. A WARNING FROM AHMED ADAM: DATED: Thursday,May 21,2020 21:09 ( Pacific Time ). Ahmed Adam- James Swan Head of the United Nations Assistance Mission to Somalia ( UNISOM ) told the United Nations Security Council that Somalia and Somaliland talks are going at senior levels. This contradicts what Muse Bihi administration is saying that” there is no talks between Somalia and Somaliland”. James Swan previously called Somaliland, a province of Somalia.The Bihi administration did not respond.Now he is publicly contradicting President Bihi on the global stage!. Ahmed Adam- James Swan oo ah Madaxa Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya ( UNISOM ) ayaa waxa uu u sheegay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ( United Nations Security Council ) in ay usocdaan Somalia iyo Somaliland wadahadalo heer sare ah. Arinta uu sheegay James Swan ayaa waxa ay liddi ku tahay hadalka maamulka Muse Bihi uu ku sheegay in aanay jirin wadahadalo u dhaxeeya Somaliland iyo Somalia. James Swan ayaa hore ugu yeedhay Somaliland gobol ka tirsan Somalia.Xukuumadda Muse Bihi kama ay jawaabin hadalkaas hore ee James Swan uu ku sheegay in Somaliland ay tahay maamul ka tirsan Somalia!. Hadda James Swan waxa uu si cad uga hor-imanayaa hadalkiisa hadalka Madaxweynaha Somaliland isaga oo James Swan ku muujinaya hadalkaas Masraxa aduunka. Jawaabta Somaliland waa in ay noqotaa in ay dhamaan ka saarto ( UN ) una diido James Swan inuu yimaado dhamaan dhulka Somaliland. Published by: Ahmed Adam Thursday,May 21,2020 Thank you all

JAMES SWAN KHATARTIISA WAXA AY SOMALILAND ARKI DOONTAA WAKHTI WAXBA AAN LA QABAN KARAYNPublished by: Ahmed AdamThursday,May 21,2020Dhamaan waxa aan daawanay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Hon.Muse Bihi Abdi oo leh in aanu jirin wadahadal u dhaxeeya Somaliland iyo Somalia ilaa ay u garqaadaan beesha caalamka,aanayna tahay wax aanay Somaliland qaadan karin marka siyaasiyiinta Somalia ay ku andacoodaan in wax kasta ay yeelayaan oo aan ahayn Somaliland oo wadan noqota.Waa khudbad qaayo leh oo uu jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muse Bihi Abdi.Laakiin Madaxweynaha ayaa ah mid aan qaadan talooyinka aan usoo jeedinayno.Tusaale ahaan,waxa ay nagu qaadatay hal sano inaan u sheegno in Madaxweynaha Qaranka Somaliland uu samaysto ( Blue Check Mark ) ayna samaystaan Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Somaliland,laakiin hadda oo ay samaysteen waa mid faan iyo qabweyni u ah dadka doonaya in Somaliland ay noqoto wadan ka muuqda wadamada aduunka.Dhinaca kale,dhamaan wasaaradaha kale ee Somaliland sida Wasiirka Warfaafinta Somaliland,Wasiirka Maaliyadda Somaliland,Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa aan lahayn ilaa hadda ( Blue Check Mark ).Waxa laga yaabaa dadka qaarkood in ay karahsadaan ku celcelinta arintaas aan ku celcelinayo,laakiin waa mid muhiim ah.Tusaale ahaan,Ra'iisal Wasaaraha Somalia Hassan Ali Khaire ayaa u sheegay madal ay joogeen ( Qaramada Midoobay ) in Somalia ay la kaashanayaan Qaramada Midoobay in ay ku soo biirto Somaliland,isaga oo hadalkaas soo dhigay ( Twitter ).Jawaabaha ay bixiyaan madaxda Somaliland waxa ay u muuqanayaan oo kaliya shacab ka falcelinaya ama aan jeclaysan hadalka Ra'iisal Wasaaraha Somalia,waayo madaxda Somaliland ee ka falcelinaysa hadal kasta oo ka soo baxa madaxda Somalia ayaa aan qiimo weyn lahayn,maadaama aanay lahayn ( Verified Account ) oo aan la aaminayn jawaabahooda.Waxa kale oo uu ku eedeeyey Somaliland madaxdeeda in aanay madaxda caalamka aaminaad ku qabin in ay la xidhiidhaan.Hadalkaas marka aad eegto waxa uu uga jeedaa in madaxda Somaliland aan la aamini karin,maadaama aanay lahayn calaamadda lagu garto qofka masuulka ah ee isticmaalaya ( Blue Check Mark ),taas oo ah mid run ah.Kama filanayno cadawga Somaliland in ay amaanaan Somaliland,laakiin waxa ay ogaadèen in aanay jirin is fahan dhexdeena ah.Tusaalaha ayaa ah in arin fudud,sida arinta aan kor ku soo sheegay oo ah in aanay jirin xidhiidh u dhaxeeya dadka haya wararka muhiimka ah ee kasoo jeeda Somaliland iyo madaxda Somaliland. Ma jiraan madax u shaqaysa Somaliland oo aad u gudbin karto khatar ku soo socota,maxaa yeelay malaha hay'ad isku xidha labada dhinac,halka ay Somalia ay leeyihiin.Halka Somalia ay leeyihiin qurbajoog la socodsiisa khataraha kusoo fool leh iyo hay'ado u qaabilsan fulintooda oo jooga Muqdisho kuwaas oo ku xidhan dadka u qaabilsan hawlaha muhiimka ah ee jooga meelaha loo baahanyahay.Dhamaan Madaxda Somaliland waxa ay u baahanyihiin in ay yeeshaan ugu yaraan twitter ( Verified ) ah si beesha caalamka ay u aaminaan madaxda Somaliland.Marka aan usoo noqdo,qoraalkan oo aanan ka saari doonin ilaa December 2020,ayaa waxa uu James Swan uu been ka sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muse Bihi Abdi iyo shacabka Somaliland ee doonaya in ay helaan madaxbanaani buuxda.Waxa uu James Swan uu u sheegay Cherith Norman oo ah Wakiilka u joogta Maraykanka Qaramada Midoobay inuu bilaabmay heshiis heer sare ah oo u dhaxeeya Somaliland iyo Somalia ayna si fiican wax kasta ay isula afgarteen labada dhinac.Waxa aan dhawaan arki doonaa jawaabta Wakiilka ujoogta Maraykanka ( UN ) Cherith Norman oo jawaabteeda aanay jeclaysan doonin dadka Somaliland,laakiin khaladka kama uu iman Miss Cherith Norman ee khaladka waxa uu ka yimid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo aan dhagaysanayn talooyinka hadii uu qaadan lahaa ay dhexda ka jabi lahaayeen dadka ka soo horjeeda Somaliland.Waayo ma jiro xidhiidh adag oo u dhaxeeya qurbajoogta Somaliland iyo dawladda uu hogaaminaayo Madaxweyne Biixi ee Somaliland.A WARNING FROM AHMED ADAM:DATED: Thursday,May 21,202021:09 ( Pacific Time ).Ahmed Adam- James Swan Head of the United Nations Assistance Mission to Somalia ( UNISOM ) told the United Nations Security Council that Somalia and Somaliland talks are going at senior levels.This contradicts what Muse Bihi administration is saying that" there is no talks between Somalia and Somaliland".James Swan previously called Somaliland, a province of Somalia.The Bihi administration did not respond.Now he is publicly contradicting President Bihi on the global stage!.Ahmed Adam- James Swan oo ah Madaxa Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya ( UNISOM ) ayaa waxa uu u sheegay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ( United Nations Security Council ) in ay usocdaan Somalia iyo Somaliland wadahadalo heer sare ah.Arinta uu sheegay James Swan ayaa waxa ay liddi ku tahay hadalka maamulka Muse Bihi uu ku sheegay in aanay jirin wadahadalo u dhaxeeya Somaliland iyo Somalia.James Swan ayaa hore ugu yeedhay Somaliland gobol ka tirsan Somalia.Xukuumadda Muse Bihi kama ay jawaabin hadalkaas hore ee James Swan uu ku sheegay in Somaliland ay tahay maamul ka tirsan Somalia!.Hadda James Swan waxa uu si cad uga hor-imanayaa hadalkiisa hadalka Madaxweynaha Somaliland isaga oo James Swan ku muujinaya hadalkaas Masraxa aduunka.Jawaabta Somaliland waa in ay noqotaa in ay dhamaan ka saarto ( UN ) una diido James Swan inuu yimaado dhamaan dhulka Somaliland.NOTE: U Qaybi Dadka aanay gaadhin fariintan!NOTE 2: Share this Video!.Thank you all

Posted by Ahmed Adam on Thursday, May 21, 2020
Open chat
soo dhawoow walaal