Jabuuti Oo 3 Sarkaal Ku Wayday Shil Diyaaradeed Maanta

Jabuuti (Dhamays) – Saddex sarkaal oo ka tirsnaa Miletariga dalka Jabuuti ayaa lagu warramayaa in ay ku dhinteen diyaarad kuwa ciidamada ah oo ku bur burtay meel aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha Jabuuti Maanta.

Diyaaradda ayaa la sheegay subaxnimadii hore ee Maanta markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha Jabuuti markiiba ku dhacday meel aan wax badan ka fogeyn garoonka.

Keydka Sawirka.Diyaarad Dagaal oo dhacaysa 

Saraakiisha dhimatay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Col Ibraahim Cabdillaahi Geelle oo la sheegay inuu ku dhawaad 40 sano ahaa duuliye diyaaradaha yar yar oo kuwa Milletariga ah iyo laba Gabdhood oo magacyadooda lagu kala sheegay Hodan Axmed Yuusuf iyo Ilhaan Maxamed Ibraahim oo labaduba la sheegay in loo waday tababar dhinaca duulimaadyada ah.

War-saxaafadeed ka soo baxay Milletariga dalka Jabuuti ayaa lagu sheegay in sababta keentay bur burka diyaaradda ay tahay cillad farsamo oo la soo deristay diyaaradda, waxaana la sheegay in diyaaraddan ay adeeg faro badan u haysay ciidamada qalabka sida ee Jabuuti.

Dhamaysnews.com/Hargeisa 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: