IRAN: Tirada Dad Ku Dhintay Diyaarad Burburtay Maanta

Tehran (Dhamays) – Lixdan iyo Lix qof ayaa dhintay ka dib markii diyaarad ay saarnaayeen ay ku burburtay dalka iiraan.

Diyaarad ayaa ku burburtay dhul buuraley ah oo ku yaalla badhtamaha dalka Iiraan.

Warbaahinta gudaha dalka Iiraan ayaa sheegaya in diyaaraddu ay ku soo dhacday magaalada Semirom ee gobolka Isfahan.

Diyaaradda ayaa iskaga kala goosheysay magaalooyinka Tehraan iyo Yausj, waxaana sida la sheegay saarnaa 60 Qof oo rakaab ah iyo Lix qof oo ka tirsan shaqaalaha diyaaradda.

Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo gurmad ahayd ayaa lagu soo warramayaa in ay u suurtageli weyday in ay gaadho goobta ay diyaaradda ku burburtay sababo la xidhiidha cimilada oo aad u xun awgeed.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: