“Inta Madaxweyne Muuse Xilka Hayo, Dadka Innaga Dhintay Way Ka Badan Yihiin 160…” Xisbiga WADDANI

Hargeysa (Dhamays) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa sheegay in inta uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi xilka hayo ay bateen khilaafaadka kala duwan ee Dalka ka dhaca isla-markaana muddadaa ay siyaabo kala duwan u geeriyooyeen Dad ka badan 160 Ruux.

Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale sheegay in siyaasadda Arrimaha dibedda ee Somaliland noqotay fadhiidh aan waxba u soo kordhinayn dedaallada Ictiraaf raadinta.

Xoghayaha WADDANI waxa kale oo uu ka hadlay isbeddellada siyaasadeed ee ka socda Mandaqadda Geeska Afika, waxaanu tilmaamay inaan xilligan aanay Somaliland ku lahayn door dublamaasiyadeed.

Warkaasi oo Muuqaal ah halkan Hoose Ka Daawo

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: