“Inta Maanta Ka Talinaysa (Somaliland) Maaha Intii Ummaddu Dooratay..” Sheekh Aadan-Siiro + Daawo Muuqaal

Hargeysa (Dhamays) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay Xaaladda Adag ee Maanta Somaliland marayso.

Sheekhu wuxuu Xukuumadda ku canaantay Xadhigga Agaasimaha Telefiishanka Star Maxamed Baashe Xaaji Xasan, kaasi oo Toddobaadkii hore Xukuumaddu xidhay, iyadoo lagu eedeeyay inuu ka soo horjeedo Saldhigga Dawladda Imaaraadka Carabtu ka samaysanayso Magaalada Berbera.

Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Waxaanu aad uga xunnahay (Xadhigga) Maxamed Baashe Xaaji Xasan, ee Xukuumaddan Fashilantay ee Hantidii Ummadda koox yari qaadatay, ee Dadkiina soo wada ooteen oo ay bakhtiyayaan, ayaa marka Qof Aqoon leh oo Dalkan Taariikh ku lihi uu yidhaahdo waar waxaasi ma wanaagsan in la laad-laadiyo oo weliba loo diido inay intaas oo Qof oo Karaamo lihi inay soo salaamaan, loona geeyo waxyaabaha uu u baahan yahay, maaddaama oo la leeyahay Xanuunnada qaarkood buu leeyahay, Adeer waxaasi wax la aqbali karayo maaha. “

Sheekhu wuxuu isbarbar-dhigay Xaaladda Abaareed ee Dalka ka jirta iyo Nolosha Madaxda Dawladda qaarkood, “Waanu u sheegaynaa kuwa meesha fadhiya ee Mid walba Gurigiisa tobanka Gaadhi ee Laan-guruusallad aah dhigtay, Carruurtooduna Maraykan iyo Maleysia ee Dalalka Jaamacadahooda yihiin Sannadkii Lixdan kun oo Dollar ay u joogaan, iyadoo Dadkii soo wada ooteen isla-markaana Xaaladdu gaadhay in Neef gaajoonayaa uu ilmo Saddex bilood jiray uu qaybo Jidhkiisa ka mid ah cunay sidii dhawaan ka dhacday Bariga Somaliland. Dadka noloshoodu caynkaa tahay in la xidho Qof yidhi waxbaa innaga khaldan wax la aqbali-karayo maaha, wixii aynu ku heshiinayna sidaasi kumay jirin. Waxaanu leenahay ka daaya waa lagu duminayaa Sidaase, Waayo? ma jiro Qof ka dhashay Geed oo meel Cidlo ah fadhiyaa. Waxaanu leenahay Maxamed Baashe Xaaji Xasan hala siidaayo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Islaamka Gudihiisa waxa laga yeeli waayay oo Cumar Binu Khaddaab laga yeeli waayay inuu Laba Go’ soo xidho isagoo Muslimiinta kale siiyey Min hal Go’ oo lagu yidhi waxba lagaa dhageysan maayo ee jooji khudbadda, innagana Aqoonyahankeennii baa fashilmay, hoggaankeennii baa fashilmay, Tujaarteenii baa fashilantay, Culimadii baa ku fashilantay in Dalkani noqdo Dal la wada leeyahay, hoggaan toosan hela, Ninka dhinaca ka rarana ku yidhaahda waar ka daa’…”

Sheekhu wuxuu farriin u diray Shacabka, “Waxaan idiin leeyahay (Shacabka) dulmiga la dagaalama, Waar ha yeelina waxyaalaha qaarkood, aqbali mayno in la iibiyo Hantida Carruurteennu lahayd boqollaalka sannadood oo aynu Sacabka garaacno.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Xukuumadda wakhtigeedu ku eg-yahay Bisha October, 2017 waxaanu leenahay awood uma lihidin wax khilaafsan waxaa aynu ku heshiinay. Odaygaa aynu ognahay Taariikhda uu ku lahaa Somaliland, ee aynu ognahay duruufta Maanta ku xeeranna Waar dhibta ka daaya, kuwaano la hadlaynaa way garanayaan.”

Sheekhu waxa kale oo uu sheegay, “Inta Maanta talinaysaa maaha intii Sharciga u lahayd ee Ummaddu dooratay, waxaanu leenahay sidaad ku waddaan maaha si Nabadgalyo ee waa hala is-dilo, Waayo? Dadku wuu hubaysan yahay, waana kala aragti, way qaybsan yihiin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Shacabka waxaan leeyahay Dulmiga ha ogolaanina, Waayo? Dulmiga oo la diidaa maaha in Dalka la duminayo, ee waa Daalimka la qabto oo la yidhaahdo Dalka ha duminin. Waxaanu leenahay hala siidaayo Ninkaa Aqoonta leh ee Maxamed Baashe Xaaji Xasan.”

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: