Imisa Higtar Bay Wasaaradda Beeruhu ka Qodaysaa Degmada XAAXI ?

Xaaxi (Dhamays) – Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa bilawday qoddista 900 (sagaal boqol) oo Higtar oo laga beerayo noocyada kala duwan ee dalagyada beeraha oo laga hirgelinayo deegaanka Xaaxi ee Gobolka Daad-madheedh ee bariga dalka Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Md. Axmed Muumin Seed oo ay wehelinayeen Wasiirrada Wasaaradaha Caafimaadka, Maaliyadda, Biyaha, Warfaafinta, Wasiir-ku-xigeenka Qorshaynta Qaranka iyo Guddoomiye-ku-xigeenka 2-aad ee xisbiga KULMIYE, ayaa midhaha ama shinnida dalagga beeristiisa la bilaabay ku daadiyey deegaanka dhul-beereedka qaranka ee laga hirgelinayo degaanka Xaaxi, waxaana markaasi ka dib hawsha qodista bilaabay dhowr iyo toban cagaf oo Wasaaraddu halkaa hore ugu diyaarisay.

Munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay Degmada Xaaxi, ayaa si rasmi ah loogu daah-furay mashruucan Qaranka muhiimka u ah, iyadoo uu Wasiirka Horumarinta Beeruhu halkaas ka sheegay in ujeeddada loo qodayo dhul-beereedkan ballaadhan ay tahay in Qaranku uu gaadho isku filaansho dhanka cuntada ah, taasi oo qayb ka ahayd qorshayaashii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu u ballanqaaday shacabka xilligii uu ku jiray ololaha doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay bishii November ee sannadkii 2017.

Wasiirrada Wasaaradda Maaliyadda, Caafimaadka, Biyaha, Warfaafinta, Wasiir-ku-xigeenka Qorshaynta iyo Guddoomiyeku-xigeenka 2-aad ee KULMIYE oo iyaguna halkaa khudbado shacabka uga jeediyey, ayaa ku ammaanay Wasiir Axmed Muumin Seed iyo guud ahaan hawl-wadeennada Wasaaradda Beeraha horumarinta dhanka wax soo-saarka ee laga hirgelinayo dalka Somaliland.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan degaanka Xaaxi oo ku hadlayey afka bulshada Gobolka Daad-madheedh, ayaa si aad ah u soo dhaweeyey mashruuca lagu hirgelinayo dhul-beereedka qaran ee loogu talogalay in lagu beero dhul aad u ballaadhan, kaasoo ay ku sifeeyeen inuu yahay mid faa’iido iyo waxtar u yeelan doona bulshada degaanka iyo guud ahaanba qaranka Somaliland, haddii Ilaahay yidhaah.

Waxa xusid mudan in si xooggan loo soo dhaweeyey weftiga Golaha Wasiirrada ee safarka ku tegay degaanka Xaaxi ee laga bilaabay beerista dhul dhan 900 (sagaal boqol) oo higtar, iyadoo markii ay xafladdu dhammaatayna halkaas loogu sameeyey casuumad-sharafeed soo dhawayn ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey xaflad loo qabtay qallin-jabinta ardayda Jaamacadda Cammuud ee magaalada Boorama toddobaadkii hore, waxa uu sheegay in Wasaaradda Horumarinta Beeruhu mashaariic kala duwan ka fulinayso degaannada Banka Wajaale iyo Xaaxi, kuwaasoo loogu talogalay in laga soo saaro cunto kala duwan oo qayb ka noqota in wax-soo-saarka dalka gudihiisa lagaga maarmi karo cuntooyinka dibadda laga soo iibiyo.

“Ballamihii aynu qaadnay waa inoo halkoodii siddeedii biloodna waxa aanu ku dedaalnay ugu horrayn xagee ayeynu wax ka dhaqaajinaa, dowladdana ha la koobaa la yidhi, duruufo kalena waa jiraan, laakiin intii itaalkayaga ahayd waanu koobnay, markii aynu ololaha ku jirneyna waxa aynu ku ballannay inay nabadgelyadu kow noqoto, nabadgelyadii uun baanu kow ka dhignay oo aannu xoogga saarnay, waxaanna aannu ku xigsiinay in aannu xoogga saarno inaynu dalkeena dallag ka soo saarno, ugu horrayna waxa aannu muhimadda koowaad siinnay Wasaaradda Beeraha oo ahayd tii ugu liidatay, maantana  Wajaale waxa ugu beeran dhul gaadhaya ilaa 11KM (Kow iyo toban) oo aannu filayno ugu yaraan 25% (boqolkiiba shan iyo labaatan) in cuntada dalka lagu cunaa ka soo bixi doonto. Xaaxi-na 900 (sagaal boqol) oo Higtar ayaa ugu beeran, Wasaaradda Beeraha iyo Wasiirkeedana waxa aan ku bogaadinayaa inay muujiyeen tijaabo cajiib ah oo sannadaha soo socda lagu dhiirran karo inaynu cunto innagu filan soo saari karno,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

Waxaannu intaas ku daray; “Dardaarankeennu waxa uu ahaa in wasaaradaha dadka noloshooda taabta aynu xoogga saarno, sida Waxbarashada iyo Caafimaadka, waxaana aanu labadaas Wasaaradood u xulnay cid aqoontooda leh, Wasiirka, Ku-xigeenka, Agaasimaha Guud iyo haddii la heli karo kuwa ka hooseeya, waxaanna ay bilaabeen qorshe culus oo ah sidee ayey tacliinta qaranka iyo caafimaadka dalku noqonayaa shanta sanno ee soo socota.”

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: