Hooyo ka Cabatay M/weyne ku Xigeenka S/land +Baaqna u dirtay madaxweyne Muse Biixi

Hooyo ka Cabatay madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo ku Qabsaday Guri ay Degan tahay.

;Markii madaxweyne i xidhay waxa intii aan xidhnaa la iga faro xumeeyay inantaydii yareyd………Hooyo ka Cabtay madaxweyne ku xigeenka Somaliland

Hargaysa(Dhamays):Hooyo Ayaan Maxamuud C/laahi Guuleed oo ka mida Hooyooyinka Degan Magaalada Hargaysa islamarkaana Jaarka la ah madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland gurigiisa ayaa Cabasho Xoogan ka muujisay madaxweyne ku xigeenka Somaliland  Mudane:C/raxmaan C/lahi Ismaaciil Saylici oo ay sheegtay inuu ku hayo Handidaad iyoTacadi Faro badan.

Hooyadan oo maanta Shabakada Dhamaysnews la hadashay ayaa madaxweynaha somaliland Mudane:Muuse Biixi cabdi u dirtay Fariin cabasho iyadoo ugu Baaqday inuu ka soo Gaadho islamarkaana ka qabto madaxweyne ku xigeen Saylici oo ay sheegtay inuu ku haysto Dhulkii ay Deganeyd  oo la jaara guriga madaxweyne ku xigeenku degan yahay hada.

Hooyadan ayaa sheegtay in madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu kula kacay tacadiyo iskugu jira Xadhig iyo inuu ka dumiyo Gurigeedii ay ku noolayd oo ay ku haysto lix (6)Caruura,.

dhinaca kale Hooyadan ayaa Xustay in mudadii ay ku jirtay Xabsiga  Dhexe faro Xumeyn loo gaystay mid ka mida Hablaheedii oo la kufsaday iyadoo Kiiskaana dusha ka saartay Madaxweyne ku xigeenka Qaranak Somaliland iyo Ilaaladiisa waxaanay sheegtay in Hogaanka Ciidamada Boolisku ay marin habaabiyeen Kiiskii kufsiga loogu gaystay Inanta yar ee ay dhashay ka dib markii ay taliska ciidanka u Dacweysay in loo soo qabto balse aan ilaa hada loo soo qaban Dabiilahii Falka gaystay

Halkan ka Daawo Muqaalka Hooyadan.

 

Dhamaysnews.com/Office

Hargaysa/Somaliland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: