Heshiis Uu Raysal-wasaaraha Dalka Itoobiya La Saxeexday Farmaajo + AKHRISO

Muqdisho (Dhamays) – Raysal-wasaaraha Dalka Itoobiya Abyi Axmed oo Shalay booqasho ku tagay Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa Heshiis ka kooban 16 Qodob la saxeexday Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Raysal-wasaaraha Itoobiya oo muddo kooban ku sugnaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa Shir la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, waxaana Shirkaasi ka dib la soo saaray qodobbada Heshiis ay kala saxeexdeen labada dhinac.

Heshiiskan ayaa waxa ku jira in Dawladda Federaalka Itoobiya Maalgashato Afar Dekedood oo ku yaalla Soomaaliya, wallow aan la xusin Dekedahaasi kuwa ay yihiin ama meelaha ay ku kala yaallaan.

Heshiiskan oo lagu baahiyey Warbaahinta Dawladda Soomaaliya, gaar ahaan Radio Muqdisho ayaa isagoo dhamaystiran u qornaa sidan:-

1.Hoggaamiyaasha labada dhinac waxay ka wada hadleen arrimo badan oo khuseeya labada dal, Gobolka iyo guud ahaan caalamka, intii kulankoodii uu u socday ayaa labada masuul waxay dib u soo cusboonaysiiyeen ballan-qaadyadii ahaa xoojinta  xidhiidhka ku dhisan walaaltinimo, dhaqanka, derisnimada iyo is-tixgelinta labada dal.

  1. Waxaa lagu heshiiyey in dib loo soo cusboonaysiiyo xoojinta xidhiidhka ku dhisan wadasheynta guud, xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyadoo la dhowrayo madax banaanida labada dhinac.
  2. Labada masuul waxay soo dhaweeyeen dhismaha guddi ka shaqeeya iskaashiga labada dal oo hore loogu heshiiyay, kaasi oo ah heer Wasiirro, kaasi oo ka shaqeyn doona horumarinta ilaaqaadka diblomaasiyadeed iyo midka ganacsi ee labada dhinacba leh.
  3. Sidoo kale, hirgelinta xafiisyo diblomaasiyadeed iyo qunsuliyado ay labada dowladood si is dhaafsi ah uga samaynayaan magaalooyinka gobollada dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, fududeynta is-dhexgalka bulshada sida socdaalka, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, ganacsiga, dhaqanka.
  4. Waxaa la isla gartay muhiimadda iskaashiga horumarinta dhaqaalaha, iyadoo loo marayo maalgashi lagu sameysto labada dal, iyadoo hadafka uu yahay sidii barwaaqo loo gaadhi lahaa labada dal iyo guud ahaan qaaradda Afrika ugu dambeyntii.

6.Waxaa lagu heshiiyay in meesha laga saaro caqabadaha ku hor-gudban horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha labada dal, si loo xaqiijiyo sugnaanta is-dhexgalka dhinaca dhaqaalaha iyo in laga kala faa’idaysto awoodda wax soo-saar ee dadka, sidoo kale horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida Dekedaha, waddooyinka.

7.Qodobka toddobaad oo la isla soo hadal qaaday ayaa waxaa ka mid ah dhiirigelinta maalgaashiga, gaar ahaan ilaa 4 dekedood, waxaa ay isku raaceen in si wada jir ah loo maalgashado ilaa afar dekadood oo muhiim ah oo kuy aala Soomaaliya, dhismaha waddooyinka isku xidha Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana la dhisi doonaa guddi farsamo oo ka shaqeeya hirgelinta qodobbada lagu heshiiyay.

  1. In laga faa’iidaysto awoodda iyo fursadaha dhaqaale ee xagga suuqa, iyadoo la sameynayo maalgelin shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay, taasi oo hadafkeedi uu yahay in fursado shaqo loo abuuro bulshooyinka labada dhinac.
  2. In loo baahan yahay xoojinta nabadda iyo xasilooni waarta oo ay ku noolaadaan shacabka labada dal, la iskana kaashado la dagaalanka argagixisada, waxaana si wada jir ah loo cambaareeyey falalka argagixisanimo nooc kasta oo ay ahaadaanba.
  3. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay uga mahadcelisay dowladda Itoobiya ciidamadeeda qeybta ka ah AMISOM sida ay naftoodii ugu hureen in ay shacabka Soomaaliyeed ay ka difaacaan cadowga Al-shabaab.
  4. In mudnaan gaar ah la siiyo doorka AMISOM ee nabadda iyo dib u dhiska Soomaaliya, waxaa la isla gartay muhiimadda ay leedahay in si wada jir ah looga hortago khatar kasta oo ku waajahan gudaha iyo dibadda, waxayna si wada jir ah ugu baaqeen dowladaha kale saaxiibada Soomaaliya in ay kaalintooda ka geystaan dib u dhiska iyo nabadeynta Soomaaliya.
  5. Waxay si wada jir ah oo cad u sheegeen in dhan kasta uu xushmeeyo madaxbanaanida dalka kale, iyo sharafta dhuleed iyo kala madaxbanaanida siyaasadeed, iyadoo loogu baaqay dhamaan hoggaamiyaasha Soomaaliyeed in si dhab ah uga wada shaqeeyaan midnimada iyo wada jirka Soomaaliya.

13.Arrimaha caalamiga ah, waxaa ay ugu baaqeen Qaramada Midoobay in ay la timaaddo  nidaam waxtar badan oo isku-dhafan oo leh dib-u-habeyn iyo xoojin, Iyadoo sidoo kale isku raacay in loo doodo wadamada Afrika dhibaatooyinka haysta in xal waara loo helo.

14.Raysal-wasaaraha Itoobiya ayaa ku ammaanay hoggaanka dowladda Soomaaliya sida ay uga dhabeeyeen ballan-qaadyadoodii ahaa in dalka horumar lagu soo dabaalo, waxaana uu xusay in dowladdu ay ku guuleysto in ay ka gudubto caqabado badan isla-markaana ay u jahaysatay dhanka horumarka.

15.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Raysal-wasaaraha Itoobiya xilka cusub ee loo doortay dhawaan, wuxuuna Madaxweyne farmaajo ku booriyay in uu fuliyay qorshihiisa isbedelada ah iyo hadafka dheer, uuna noqdo mid waxtar u leh Itoobiya iyo guud ahaan gobolka.

16.Madaxweyne Farmaajo oo ku hadlayay magaca shacabka iyo dowladda Soomaaliya ayaa u mahadceliyay Raysal-wasaare Abiy Axmed Cali, kaasi oo dhankiisa Madaxweynaha Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyey isaga iyo wafddigiisa.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: