Heshiis Laga Gaadhay Dagaal Toddobaadyadii U Dambeeyay Ka Socday Koonfurta Gobolka SOOL

Sool (Dhamays) – Boqollaal Ciidamo beeleed ayaa lagu kala diray deegaano baahsan oo ku yaala koonfurta degmada Laascaanood iyo waqooyiga degmada Burtinle, kadib wada-hadal garabyo badani ay ka qayb-qaateen.

Deegaanka Cagaare iyo Qoriley oo dagaalo todobaadyadii aan soo dhaafnay ayaa laga gaadhey xal colaadaasi lagu soo afjarayo, iyadoo qodobbadii lagu heshiiyey oo ay ka mid ahaayeen in xabad Joojin bilaa shuruud ah iyo ciidamada la kala diro lagu guulaystay in ay fulaan.

“Waxaa la kala diray dhamaan wixii ciidan ahaa ee joogey Qoriley, Gunburka iyo degaanada ku dhow, waxaana lagu ballamay in bisha labaad la isku yimaaddo si loo dhameeyo wixii raad colaadeed ah, ergooyinkiina waa kala ambabexeen” Sidaa waxaa sheegay Maxamuud Warsame Cali (Sablaale” oo u warramay Warbaahinta Hiiraan Online oo Dhamaysnews Warkan ka soo xigatay.

Mr. Sabaale oo ku sugan deegaanka Karin-Dabayl-Weyn oo koonfur Laascaanood kaga beegan, ayaa sheegay in Ciidamadan la kala qaaday ayaa ah mid ku dhacday si lama filaan ah iyadoo ay taas sababtay heshiis 8 qodob ka koobnaa oo lagu gaadhey halka lagu magcaabo Cariska oo labada degaan u dhexaysa xadka Itopia gudaha u gashan.

“Halka lagu magcaabo Cariska oo ayaa labada beelood oo ay weheliyaan beelaha kale ee dhexdhexaadinta wadey, masuuliyii dawlada Itoobiyo iyo kuwo Kililka Shanaad ka socdaana ay hawsha gacanta la soo galeen balan qaadeena qodobada labada dhinac ku heshiiyeen fulinteeda iyo wax ka qabashadeeda cidda jebisa iyagaa dusha u ritey maaddaama inta badan degaanada la isku dilo uu ka tirsan tahay dhinacooda” ayuu yidhi Sablaale.

Heshiiskan ayaa la saadaalinayaa in uu soo afjaro colaad 12 sanno soo laalaabanaysey galaafatayna dad ku dhow 100 ruux.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo toddobaadkii hore Colaadda la soo afjaray ka hadlay ayaa ugu baaqay Dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya inay ka qayb-qaataan daminta Colaaddaasi.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: