Hargeysa: Waddo Isku Xidhaysa Xaafadda Dalloodho iyo Xabaalaha Baqiic oo la Dhagax-dhigay

Md. Jaamac Xaaji Axmed CabdiHargeysa (Dhamays News) – Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Jaamac Xaaji Axmed Cabdi oo ay wehelinayaan xildhibaano ka tirsan Golaha Degaanka Hargeysa iyo guddida xaafadda Dalloodho, ayaa dhagax-dhigay waddo laami ah oo isku Isku xidhi doonta Xaafadda Dalooldho iyo Xabaalaha Baqiic ee woqooyiga magaalada Hargeysa.Munaasibaddii waddadaasi laamiga ah oo dhan 6KM lagu dhagax-dhigay, waxa hadallo ka soo jeediyey Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Md. Jaamac Xaaji Axmed Cabdi, Badhasaab-ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex Md. Khadar Baaruud, Xildhibaan Xasan Shahar, Xildhibaan Cabdi Cali, Guddida Xaafadda Dalloodho iyo masuuliyiin kale oo ka waramay faa’iidada waddadaasi ay bulshada u leedahay.

Ugu horayn, Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Runtii waxa noo sharaf ah in aanu idin kala soo qaybgalno dhagax-dhigga waddadan dhererkeedu yahay 6KM, ballaceeduna yahay 60-ka mitir ee ay wadda fulinayaan Dowladda Hoose iyo dadweynaha 26-ka June.

Waddooyinku runtii waxay muhiim u yihiin nolosha bani’aadamka iyo quruxda magaalooyinka, waxa laga yaabaa waddadani marka ay bilaabanto in dadkii beeralayda ahaa ee is-abaabulay ee dhulkan lahaa inuu qiimo fiicani ugu kordho, Runtii waanu idiinka mahad naqaynaa sida xaafadaha magaaladu ay isku abaabuleen ee ay uga qaybqaadanayaan horumarka dalka” ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi.

Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Cabdi Cali oo ka mid ah Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa, waxaannu yidhi; “Wax waliba qorshe ayey leeyihiin, qorshuhuna ka noqosho ma laha, marka hore wixii la qorsheeyo sidii loo qorsheeyey iyadoo cidna aan loo danaynayn oo ummadda oo dhan loo danaynayo ayay u dhacaysaa.

Waxaan dadweynaha uga mahadnaqayaa is-abaabulka ay is-abaabuleen ee ay qaybtoodii ula yimaadeen si waddadan loogu dhiso oo wadadaasi ay dhisanto oo faa’iido aan la qiyaasi karin u yeelan doontaa xaafada.”

Waxa kale oo isaguna munaasibadii dhagaxdhiga Wadadaasi laamiga ah ka hadlay Xildhibaan Xasan Shahar oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa kaas oo dadweynaha xaafadaha ugu baaqay inay gacmaha isku qabsadaan sidii waddooyin ay u dhisan lahaayeen, horumarkana ay uga shaqayn lahaayeen.

Xildhibaan Xasan Shahar Shahar oo arimahaasi ka hadlayna waxa uu yidhi “Dadweynaha xaafada waxaan leeyahay waar gacmaha ha la isqabsado oo cidii wax soo bixisay maahee cida kale ee ay wax ku hadhsan yihiin, cidna wax laga qaadi maayo cidna la dhaafi maayee jeebadooda ka ku noqoto, maxaa yeelay qiimaha meeshoodu waxay ku xidhan tahay wadadaasi.

Waa in aad taasi ogaataan oo si lexejeclo ah looga shaqeeyo oo wadada la ilaashado oo hadaynaan hareeraha ka joogsan oo aynu wadadaasi ilaashano, dad wadooyinka baabiiyo oo guba ayaa jira ee aynu wadooyinka ilaashano, oo tacabkeenana aynu muujino oo sida aynu wadadanba iskagaga kaashanay aynu kuwo kalena iskaga kaashano oo aynu uga wada shaqayno” ayuu yidhi Xildhibaan Shahar.

Cabdiraxmaan Nuur Cigaal oo isaguna ku hadlay Afka Guddida Xaafadda Dalloodho, ayaa yidhi; “Wadadan waxa u kacay dadka beeralayda iyo deegaanka xaafadda, anagaana ku tashanay in aannu waddadan dhisano iyo in aanu Xarun Bileys iyo in aannu Dugsiyadii Samaysano. Xaafaddu haddii aanay iskaashan ‘gacmo wada-jir ayay wax ku keenaan’ runtii dowladda awoodeeda waynu garanaynaa oo wax yar ayay qaban kartaa, maalinta dowladdu ay dhaqaale hesho iyadaa waddooyinka oo dhan innaga kafaala qaadi doonta oo inoo dhisi doonta, balse waxay wakhtigan u baahan tahay in shacabku ay kala shaqeeyaan,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Nuur Cigaal oo ah Guddoomiyaha Guddida Xaafadda Dalloodho ee Woqooyiga Hargeysa.

Waxa kaloo halkaas hadal ka jeediyey Ku-xigeenka Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Mr. Khadar Baaruud iyo masuuliyiin tiro badan, kuwaas oo dhammaantoodba ka waramay faa’iidada waddadani ay bulshada u yeelan doonto, maadaama oo ay isku xidhayso Xaafadda Dalloodho iyo Xabaalaha Baqiic ee magaalada Hargeysa oo ay fududayn doonto isku socodkooda.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: