Hargeysa: Dawladda Hoose Oo Ku Dhawaaqday In La Bilaabayo Dhismaha 12 Waddo + VIDEO

Hargeysa (Dhamays) – Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa sheegtay inay dhawaan bilaabi doonto dhismaha Jidad tiro badan oo ku yaalla Badhtamaha Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Kulan ay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gacan-libaax iyo 26-ka Juun, Xubno ka mid ah Golaha deegaanka ee Hargeysa ku yeesheen Xarunta Degmada 26-ka June ee Hargeysa ayaa waxay ku shaaciyeen inay si deg-deg ah u bilaabayaan 12 Jid oo ku dhex yaalla gudaha suuqa dhexe ee Caasimadda Hargeysa.

Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gacan-libaax iyo 26-ka June oo ah degmooyinka ugu ballaadhan Degmooyinka Caasimadda oo ay wehelinayeen qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha deegaanka, ayaa faahfaahiyey sida hawshaasi loo gelayo iyo Baaxaddeeda, ayaa yidhi “Illaahay waxaanu ka baryeynaa inuu hawshaa noo fududeeyo. Dadku way dedaaleen oo Fooqyo ayay dhiseen oo way Magadsan yihiin, fooqyadaa waddooyinkii loo mari lahaa ayaa loo baahan yahay, markaa waxaanu leenahay Ganacsatada guri waalla soo mari doonaa ee hala bixiyo wixii aad kaga qayb-qaadanaysaan.” Ayuu yidhi, Guddoomiyaha degmada Gacan-libaax ee Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha degmada 26-ka June Cabdillaahi Maxamed Rooble oo isaguna hawshan ka hadlay ayaa yidhi “Maaddaama oo Dawladda hoose yeelatay Warshaddii samaysanaysay (Karagsharka), waxaanu Dadweynaha ka codsanaynaa qaybtii libaax ee ay ka qaadan jireen samaynta Waddooyinka inay ka qaataan.”

Xildhibaan ka mid ah Golaha deegaanka Hargeysa oo isaguna hadlay ayaa yidhi “Waxaanu doonaynaa inaanu dib u habayn ku samayno Waddooyinka Badhtamaha Caasimadda ee burbursan, kuwa Qabyada ahna la dhamaystiro. Dadweyweynaha waxaan leeyahay 60% Dawladda Hoose waa diyaar, sidaa darteed Dadweynaha waxaanu ka codsanaynaa 40%-kii ay kaga qayb-qaadanayeen iyo wixii kale ee ay tari karayaanba inay Maanta nagu caawiyaan, si aanu Caasimadda Hargeysa bilicdeeda u dhisno.”

Xildhibaan Axmed Daahir oo ka mid ah Golaha deegaanka Hargeysa oo isaguna arrintan ka hadlay ayaa yidhi “Wixii la qabtay way arkayaan indhihii Caafimaad qabaa, waxa jiray Waddooyin laga saaray Magaalada, markaa Maanta waxa inoo hadhay suuqa badhtamaha Caasimadda ee aynu ka wada qayb-qaadano.”

Kulankaasi ka dib, waxay masuuliyiintani kormeer ku soo mareen Waddooyinka la samayn doono ee ku yaalla Faras Magaalaha, iyagoo Cabbirkoodana soo sameeyay.

12-ka Waddo ee qaarna la dhamaystirayo, qaarna la dayactirayo ayaa marka la isku geeyo noqonaya 4KM.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: