Hargeysa: Dab Ka Kacay Guriga Wasiirka Madaxtooyada Maanta

Hargeysa (Dhamays) – Waxa Maanta Dab ka kacay Guriga uu Magaalada Hargeysa ka deggan yahay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi.

Dabkan oo lagu war helay Abbaaro 12-kii Duhurnimo ee Maanta ayaa bakhtiyey Ciidammada Dab-damiska ee Magaalada Hargeysa oo markii lagu war-geliyeyba gaadhay.

Gurigan oo ku yaalla Xaafadda State House-ka isla-markaana ka kooban 11 Qof (Maqsin), ayaa Dabka qabsaday wuxuu ka bilaabmay Qolka fadhiga, waxaanu u gudbay Qolka Hurdada ama Jiifka, laakiin wax khasaare nafeed ah kama dhalanin, marka laga reebo Khasaare soo gaadhay Alaabtii Guriga Taallay sida uu sheegay Taliyaha Ciidammada Dab-damiska ee Somaliland Axmed Maxamed Sawaaxili oo Warbaahinta la hadlay “ILAAHAY Mahaddii Dabkii Maanta kacay, 11-kii maqsin Qolkii fadhiga ee uu Dabku ka kacay mooyaane, intii kale iyo Hantidii taallayba waanu badbaadinay.” Ayuu yidhi, Taliyaha Ciidammada Dab-demiska Somaliland, isagoo intaa ku daray in wixii Sababay Dabka ay Ciidammada Booliisku baadhayaan.

Ugu dambayn, Warbaahinta oo isku dayday inay gudaha u gasho Guriga Wasiirka Madaxtooyada ee gubtay ayaanay u suurto-gelin inay galaan, ka dib markii Ciidamo halkaa ku sugnaa diideen inay gudaha u gudbaan, taasina waxay keentay inaan la soo gudbin Muuqaallo lagaga qiyaas-qaadan karo khasaaruhu intuu leeg-yahay, marka laga yimaaddo Warku uu sheegay Taliyaha Ciidammada Dab-damisku.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: