Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka Somaliland oo Digniin u Diray Masuuliyiinta Gacanta ku Haya Hantida Qaranka

Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka SomalilandHargeysa (Dhamays News) – Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Yuusuf Dirir, ayaa u digay masuuliyiinta iyo hay’adaha kala duwan ee gacanta ku haya maamulka hantida qaranku wada leeyahay.

Hanti-dhawre Axmed Yuusuf Dirir oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa shalay, waxa kaloo uu caddeeyey in la abaalmarin doono madaxda sida ugu fiican u maamula, isla markaana u si xafidan u ilaaliya xoolaha ummadda ee loo dhiibay.

“Waxa aannu uga digaynaa cid kasta oo gacanta ku haysa hanti qaran in markasta lagula xisaabtami doono hantidaas qaranka ee ay gacanta ku hayaan sida ay u maamulaan, u xafidaan oo uu xafiiskani sharciga ku horgayn doono ciddii wax khaldan kula kacda, ciddii si ammaano leh u maamushana lagu abaalmarin doono, Insha Allaah,” ayuu yidhi Hanti-dhawraha Guud.

Waxa kaloo uu ka warbixiyey baadhitaanka uu xafiiskoodu sameeyey sannadkii dhammaaday ee 2018-ka iyo natiijooyinka ka soo baxay qaar ka mid ah goobaha ay baadhista ku sameeyeen, waxaannu yidhi; “Marka loo yimaado sannadkan dhammaaday ee 2018, waxa uu xafiiskani sameeyey baadhitaanno badan oo waxa uu sameeyey wax-qabadyo badan oo iyagana la taaban karo, baadhisahaa uu sameeyeyna waxa ka mid ahaa inuu shaqo badan ka qabtay Hay’adaha dowliga ah oo tiro badan, wixii baadhitaankaas ka soo baxay oo ay u badnaayeen in dambi lagu helay qaar ka mid ah dadkii baadhista lagu hayey, qaar u baahday maamul-toosin oo marka aad eegto Gobollada dalka oo kale, Gobolka Awdal ilaa saddex qof ayaa dambi lagu helay oo aannu u gudbinay Xeer-ilaalinta Qaranka oo ay Xeer-ilaalintu socodsiinaysaa. Marka la eego Gobolkan Maroodi-jeex, shirkaddii gaarka ahayd ee gacanta ku haysay liisamada oo baadhis lagu sameeyey waxa lagu helay dambi oo ilaa 2360 liisan ayaannu gacanta ku soo dhignay, ilaa laba qof oo eedaysanne ahna gacanta ayaa lagu hayaa imminka oo garsoorka ayey horyaalaan.”

Waxaannu intaas ku daray; “Gobolka Gabilay waxa jira dad aannu u gudbinay Xeer-ilaalinta oo xukun ku dhacay, kadib markii lagu helay dambi musuqmaasuq ah. Waxa jira dad lacago yaryari ku maqnaayeen oo shaqaalaha dowladda ahaa oo dib looga soo xereeyey, amarkaasna aannu bixinay.”

Hanti-dhawraha Guud, ayaa iftiimiyey qaabka ay u maamulaan dambiyada ka soo baxa baadhista ay sameeyaan, waxaannu yidhi; “Xafiiska Hanti-dhawrku inta badan marka uu dambi helo, si qofka la eedaynayo laftiisu uu caddaalad u helo waa in la gaadhsiiyo Xeer-ilaalinta, qofkuna uu markaa is-difaaciisa bilawdo oo garsoorka la wada hortago, marka halkaas la gaadhana Xafiiska Hanti-dhawrku waxa uu ka yahay markhaati oo qudha oo marka uu eedda geeyo (gudbiyo), waxa uu la siman yahay in qofka la eedaynayo si siman loogu gar-naqo.”

Waxa kaloo uu soo bandhigay waxyaabaha sababta u ah in mararka qaarkood ay raagaadaan natiijada baadhisaha ay sameeyaan, waxaannu yidhi; “Guud ahaan marka uu Hanti-dhawrku samaynayo baadhis maaha wax inta uu subaxii bilaabmo, habeenkiina dhammaanaya, waayo xafiiskani waxa laga yaabaa in waxa uu eegayo ama baadhayo ay tahay ilaa 10 kun oo dhacdo-xisaabeed (financial transactions) oo maalintii haddii la qabto ilaa 50 dhacdo-xisaabeedyo ah, waad garan kartaa inta bilood ee ay qaadanayso.”

Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Somaliland, ayaa sheegay in shaqooyinkooda ay ku jirto sidii loo toosin lahaa khaladaadka dhinaca maamulka la xidhiidha ee ay ku arkaan hay’adaha dowladda, waxaannu yidhi; “Run ahaantii waxa aannu is leenahay muddadaas sannadka ah wax aad u badan ayaad qabateen oo waxyaabaha aannu qabano waxa ka mid ah in aannu samayno maamul-toosin lagula xisaabtamo qofka, waayo qofka aan weligii marna la siin maamul-toosin, waa in aad siiso tilmaamaha (instructions) uu raacayo iyo habka uu u shaqaynayo, kadibna aad kula xisaabtanto marka dambe, haddii waxa lagu hayo markaas aanay ahayn wax laf-jab leh. Baadhisahayaguna waxa ay inta badan ku salaysan yihiin in aannu ka baaran-degno, sharciga u eegno in qofkana aannu eedaynayno ay tahay in eeddu u dhammaystiran tahay. Waxa kaloo aannu iyana wax weyn ka qabannay dib-u-habaynta xafiiska iyo in xafiisku ahaado mid u diyaarsan shaqadan loo igmaday ee baaxadda leh.”

Hanti-dhawraha, ayaa sidoo kale ka hadlay baadhista ay ka bilaabeen xarunta Dowladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa iyo qaar ka mid ah Wasaaraddaha Xukuumadda oo ay ka mid tahay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

“Waxa aannu galnay bishii January dhammaadkeedii, waana laba hay’adood oo aad u waaweyn, wixii ka soo baxana waannu la wadaagi doonaa bulshada, waana la arki doonaa, laakiin shaqada gacanta ayaa lagu hayaa oo ka sii hordhici mayno waxa ka soo bixi doona Insha Allaah,” ayuu yidhi Hanti-dhawraha Guud ee Qaranku.

“Xafiiska Hanti-dhawrka Guud, sida ka muuqata magaciisa, waxa uu qaranka Somaliland uga wakiil yahay ilaalinta hantida qaranka nooc kasta oo ay tahay, haddii ay tahay hantida u gaarka ah qaranka, haddii ay tahay hantida uu qaranku wax ku leeyahay (saami ku leeyahay) ee ay cid kale shuraako kula tahay, intaas oo dhanba ilaalintiisa iyo dabo-galkiisa xafiiskan ayaa uga masuul ah qaranka.

Run ahaantii marka sidaas loo eego maaha hawl-yar oo xafiiskani waxa uu ku aasaasan yahay oo uu ku cad yahay dastuurka, sidoo kale waxa uu leeyahay xeer u gaar ah oo uu ku dhisan yahay oo uu raaco, baadhistiisa iyo hannaankiisa oo dhanba ku salaysan yahay.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: