Hakad Ku Yimid Bixinta Taarikada Cusub Ee Dawladdu U Samaysay Gaadiidka

Hargeysa (Dhamays) – Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL ayaa sheegtay in labadii Maalmood ee u dambeeyay uu hakad ku yimid bixinta Taarikada cusub ee Gaadiidka ee lagu beddelayo Taarikadii hore.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ayaa sheegay inay Shacabka ka Raali-gelinayaan Hakadka ku yimid bixinta Taarikada cusub ee Gaadiika, isagoo sheegay in dhawaan Dalka oo dhan laga heli doono.

Sidoo kale, wuxuu Agaasimaha meesha ka saaray in hakadka ku yimid bixinta Taarikada uu salka ku hayo khilaaf dhanka Maamulka ah oo soo kala dhex galay Wasaaradda Gaadiidka iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Warkaasi oo Muuqaal ah halkan Hoose Ka Daawo

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: