Habeenkii Murugadda Badnaa Ee Shacabka Magaaladda Burco Iyo Dilka 43-ka Ganacsade

Waa Goor Habeenimo ah Tariikhdu Waa 20-12-1984 waa habeen baas oo u soo galay shabacka Burco Waayo Waa habeenkii Ciidamadii Dawladii Maxamed Siyaad Barre Ay Magaalada burco Ku Xasuuqeen 43 qof  kuwaasi oo isgu jiray Ganacsato,Askar iyo Siyaasiyiin Waxaana Arintaasi Ka HAdlay Nuur Qaasin Qodax oo ka mid Ah Siyaasiyiinta Somaliland ee Waalidkood La Dilay Xiligaasi Waxaana uu Alle uga Baryay Dhamaanba In Rabi uu Naxariistii Janno ka Waraabiyo waxaana uu Yidhi Isagoo Arintaasi ka Hadlaya

“Sidaad la socotaan Caawa waxa ay ku began Tahay habeen Murugo leh oo Geyigani Waayay Rag Qaali ku Ahaa oo kor u dhaafayay 43 nin oo Haldoor u Badnaa Badankooduna ahaayeen Ganacsato,Taasi oo si arxan daro ah oo Maalinta aakhiro La Iskaga Daba Imaanayo Loogu Toogtay Gudaha Magaalada Burco Intaa La isku wada Xidhay,Waxaana Falkaasi Biniaadantinimada Ka fog u Gaysatay Cidii Markaa Talada Soomaaliya Haysatay iyo Wixii loogu yeedhi jiray Kacaankii Soomaaliya ee Siyaad Barre Madaxda Ka Ahaa,Maaha maalin aanu Ilaabayno Maaha mid la iska Cafiyay,Balse xisaabi Waa Danbaysaa

20/12/1984 Niman u badnaa baayacmushtar oo tiradoodu ahayd 52 qof ayaa Burco lagu qabqabtay, balse ragaas sagaal ka mid ahaa waa lasii daayay, ragaas lasii daayay waxaa ka mid ahaa (Indhadeero,Koofiyad Dheere, Dhoodi) oo baayacmushtaro ahaa. 43kii kalena waa la khaarajiyay, ragaas lix ka mid ah waxaa laga soo qabqabtay magaalada Sheekh, dhamaantoodna waxaa la isugu keenay xabsiga dhexe ee Burco waxaana lagu eedeeyay in ay SNM ka tirsanaayeen. Maxkamada wareegta ayaa dil ku xukuntay waxaana la toogtay isla galabtaas, ragii la toogtay waxaa ka mid ahaa:-

Halkan Hoose Ka eeg Xubnaha La Xasuuqay Magacyadooda

 

1- Dilsuge – Qaasin Qodax Jaamac

 

2- ”         – Cabdiraxmaan X. Maxamed Siraad

 

3- ”         – Ciise Ibraahin Ismaaciil

 

4- ”         – Siciid Maxamed Ismaaciil (Madoobe)

 

5- ”         – Aadan Nuur Ismaaciil (Coraaq)

 

6- ”         – Yaasiin Axmed Warsame (Soonaani)

 

7- ”         – Axmed Cabdi Xasan

 

8- ”         – Cabdi Maxamed Cali (Dhagjar)

 

9- ”         – Axmed Yuusuf Mire

 

10- ”       – Cabdi Jaamac Xasan (Sanweyne)

 

11- ”       – Maxamed Yuusuf Ismaaciil (Comaas)

 

12- ”       – Axmed Xasan Ismaaciil (Yunbur)

 

13- ”       – Diiriye Cismaan Yuusuf (Laba Lugood)

 

14- ”       – G/le Maxamed Cali Qorane

 

15- ”       – Ex.S/A.Shukri Maxamed Samatar – (Qurmiye)

 

16- ”       – Ismaaciil Saalax Wiriye ”

 

17- ”       – Maxamed Samatar Axmed ”

 

18- ”       – Saleebaan Hirad Aadan ”

 

19- ”       – Cali Cabdi Xasan ”

 

20- ”       – Aadan Jaamac Warsame ”

 

21- ”       – Maxamed Maxamuud Cabdi ”

 

22- ”       – Axmed Ismaaciil Maxamed ”

 

23- ”       – Cali Cumar Diiriye ”

 

24- ”       – Muuse Xasan Ibraahin ”

 

25- ”       – Cali Giire Cabdi ”

 

26- ”       – C/laahi Maxamed Faarax Taakuliye

 

27- ”       – Aadan Cali Ibraahin Qurmiye

 

28- ”       – Cabdi Maxamed Yuusuf Taakuliye

 

29- ”       – Cabdi Xasan Jaamac ”

 

30- ”       – Cabdilaahi Xuseen Nuur Korto

 

31- ”       – Cali Xuseen (Inta dambe way masaxantay)

 

32- ”       – S/Alifle Axmed (Inta dambe way masaxantay)

 

33- ”       – Magacu wuu masaxmay

 

34-Dilsuge – S/Alifle Faarax (Inta dambe way masaxantay)

 

35- Edsane- Jaamac Cabdilaahi Saciid

 

36- ”        – Dable Maxamed Cige Xabad

 

37-Edsane – Cabdi Cali Axmed

 

38- ”        – Saciid Cismaan Geelle

 

39- ”        – Abuukar Cabdilaahi Rooble

 

40- ”        – Cabdilaahi Saalax Giir

 

41- ”        – Cawil Saalax Giire

 

42- ”        – Ibraahin Maxamed Xandulle (Ina Aar) – Maqane

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: