Haayada Shaqaalaha Dawlada oo Soo saartay 16 Qodob oo lagu Hagidoono Shaqaalaha Dawlada

Haragaysa(Dhamays):

16-ka siyaasadood ee muhiimka u ah dhaqida iyo maamulka cuddduda shaqaalaha Dawladda oo samayntoodu soo idlaatay

– Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa soo gabo-gabaysay samaynta siyaasadaha iyo hagayaasha muhiimka u ah kobcinta iyo maamulka cudduda shaqaalaha Dawladda kuwaas oo ka jawaab celin doona; xuquuqaha iyo waajibaadka shaqaalaha dawladda dhanka kalena iftiiminaya hannaanka koboca shaqada iyo daryeelka shaqaalaha Dawladda.

– Haddaba sharciga shaqaalaha dawladda oo la sameeyey 1996 ayaa mudo badan u baahnaa siyaasado kaba oo ka jawaab celiya dhan walba, Illaahay fadligii-na imika ayey inoo soo dhamaadeen iyada oo maalmahan soo socda-na aan u gudbin doonno golaha Wasiiradda JSL si ay dib-u-eegis iyo kaabis kadib u ansixiyaan

– Tallaabadan ayaa bilow u ah in aan bilowno dib-u-eegista iyo kaabis-ta Sharciga Shaqaalaha Dawladda Sharci Lamb 07/96 oo mudo badan u baahnaa habayn iyo horumarin.

Siyaasadaha iyo hagayaasha loo sameeyey shaqaalaha dawladda ayaa kala ahaa:

1- Siyaasadda Shaqo qorista, Xulashadda iyo magacaabida Shaqaalaha Dawladda

2- Siyaasadda Anshaxa iyo hab-dhaqan wanaaga Shaqaalaha Dawladda

3- Siyaasadda iyo habka Dalacaaddaaha, bedelista, ergiska iyo Jiheynta shaqaalaha Dawladda

4- Siyaasadda Unkida iyo Ilaalinta Qaabdhismeedka Hay’adaha Dawladda

5- Siyaasadda maamulka iyo Anshaxmarinta Shaqaalaha Dawladda

6- Siyaasadda Fasaxyadda Shaqaalaha Dawladda

7- Siyaasadda Maareynta Kaydka Xogta Shaqaalaha Dawladda

8- Siyaasadda Maareynta Cabashada iyo tabashooyinka Shaqaalaha Dawladda

9- Siyaasadda Hanashadda Shaqaalaha Dawladda

10-Siyaasadda iyo habka aasaasida iyo Baabinta Xafiis-yada shaqo

11-Hagaha Qiimeynta Hawl-qabadka iyo Abaal-marinta Shaqaalaha Dawladda

12-Hagaha Kartida Kaalin Shaqo

13-Hagaha Tilmaanta iyo Tusaaleynta Shaqaalaha Dawladda

14-Hagaha Tababarka iyo Tayeynta Shaqaalaha Dawladda

15-Hagaha Hannaanka Koboca iyo Horumarinta Shaqaalaha Dawladda

16-Hagaha Qorshaha Carbinta iyo laylinta Shaqaalaha Dawlada

Waxaa isaguna dhammaad ku dhaw siyaasada Hawl-gabka shaqaalaha Dawladda oo mudo kooban kadib dhamaystirmaya Insha Allah

Siyaasadaha iyo hagayaasha ayaa ah dabarka iyo dariiqa loo maro jid aan qof ku xidhnayn balse xeer hagayo.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: