“Guusheenu Waxay Ku Xidhan Tahay Dadka Jilicsan Oo Loo Gargaaro…” Sheekh Aadan-Siiro

Hargeysa (Dhamays) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay Ahmiyadda Islaamku siiyey u gargaaridda Dadka baahan ee Jilicsan.

 

Sheekha oo Khudbadaha Jimcaha kaga hadla Arrimaha Bulshada, ayaa sheegay inay xilligan Dalka ka jirto Xaalad nololeed oo adag, sidaasi darteed loo baahan yahay in Dadka jeebkoodu wanaagsan yahay ay taageeraan Dad baahan ee in loo gurmado ay tahay.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud oo daliishanaya Aayaadka Qur’aanka Kariimka ee dhiiri-gelinaya taageerada Dadka baahan ayaa yidhi  “Waxaan ka hadlayaa in la is taban-taabiyo oo ka leeleelaya loo adeego inay tahay waxa Islaamka gebigiisuba u yimid, taasi waa sababta aan u sameeyay khudbaddan.”

Sheekh Aadan-Siiro oo ka hadlaya Xaaladaha Nololeed ee Somaliland ka jirta xilligan ayaa sheegay “Nin ka mid ah Dadka dhifta ah ee aynu leenahay ee Ummaddan Taariikhda ku leh, hadday Halgan tahay, hadday Aqoon tahay iyo Naf iyo Maalba loo huro in Ummaddani wax noqoto, ayaa Toddobaadkii tagay ii yimid, isagoo ka cabanaya inuu Carruurtiisii u waayay Raashin, dabadeedna waxa igu soo dhacday inaan khudbaddan sameeyo, waxaan Ninkaa barbar-dhigay qaar aan waxba ku darsan, waxaan barbar-dhigay qaar Ummadda intay yeeleen ay ka badan tahay intay Ummadda tareen oo haddana Dollarka karsada Maanta, taasi waata keentay inaan ka hadlo Islaamku wuxuu ka yidhi Dadka jilicsan iyo Dadka dhibaatadu gaadho tabantaabintooda.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ilaahay oo Qur’aankiisa kaga warramaya taban-taabada iyo in Dadka loo adeego wuxuu yidhi ‘Waxaad u deg-degtaan dambi-dhaaf xagga Eebbe ka yimid iyo Janno balladhkeedu leeg-yahay Samooyinka iyo Dhulka oo la isku daray, taasoo loo diyaariyey kuwa Alle ka baqa ee ka dhowrsada…’ Allaah oo Aayadda dambe ku fasiraya kuwaasi ayaa yidhi ‘Kuwa jannooyinkaa helayaa waxa weeyaan kuwa Illaahay dartii wax u bixinaya wakhtigay barwaaqada ku jiraan iyo wakhtigay dhibaatada ku jiraan..”

Sheekhu waxa kale oo uu khudbaddiisa ku sheegay in Dalalka Muslimiinta ee Somaliland ka mid tahay ay hadda ka jiraan qorsheyaal ay Gaaladu dejisay laba boqol oo sannadood ka hor “Waxa Maanta Somaliland ku socda Qorshihii 1884-kii ay Gaaladu samaysay, Qorshihii la sameeyay Maalintii Afrika la qaybsanayey ayaynu Maanta haynaa. Bani-aadamkii damaca lahaa ee Caqliga ka shaqaysiiyey 3 boqol ama 2 boqol oo sannadood ka hor ayay Qorshe u samaysteen inay Dadka Addoonsadaan, laakiin Waddamadii Muslimiintuna waxay Maanta ku mashquuleen naftoodii, waxay cunayeen, waxay xidhanayeen iyo Guryahay galayeen.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Islaamku ma Khamiis Cad baa, ma Gadh lala baxaa ? Khamiiska Cad waa wuxuu isticmaali jiray Rasuulku (CSW), laakiin Diinta Maaha, Asalku Diintu waa in Dadka loogu adeego, Waayo? Islaamka gebigiisuba wuxuu u yimid in Dadka loogu adeego. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi 1440 sannadood ka hor ‘Masaajidka aad ogtihiin ictikaafkiisa toban sanadood oo la fadhiyo, waxa ka fadli badan Qof Muslim ah oo arrinkiisa la dhameeyo (loo gargaaro)..”

Sheekhu wuxuu soo jeediyey Talooyin muhiim ah “Hargeysa waxay ku noolaan lahayd Afar Qof baa qaata, laakiin waxaan idiin sheegayaa Talada qaata oo Dadkiina u gurmada oo Cidna ha ku hallaynina, Waayo? guusheenu waxay ku xidhan tahay Dadka Jilicsan (oo Loo gargaaro)..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku sii daray “Haddii lix boqol oo kun oo Qof oo ka mid ah Dadka Hargeysa ku nool, haddii Qof walba uu bishii bixiyo kun Shilin, waa lix boqol oo Milyan oo shilin, Dollar ahaana waa 75 kun, markaad intaa 12 ku dhufato, sanad walba 800 Qoys ayaynu khaarajinaynaa (lacag siinaynaa), laakiin mushkiladdu waxa ka taagan tahay meeye Dadkii Aqoonta lahaa ee ka fikiri lahaa Barbaamij aynu Ummaddeena ku bedbaadino?, Mashruucaa waxa ka faa’idaya dhowr boqol oo Wiil oo ka shaqaynaya…”

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: