Gudida Difaaca iyo Arimaha Gudaha G Guurtida oo kulan la Qaatay Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Somaliland

Hargaysa(Dhamays);

Gudi Hoosaadka Arimaha gudaha iyo Difaaca ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta la kulmay Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Somaliland.

Guddoomiyaha guddi Hoosaadka Arimaha gudaha iyo Difaaca ee Golaha Guurtida Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo kulan kaasi ka dib warbaahinta la hadlay ayaa waxa in sheegay in Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo Saaraakiil kulankaasi ku wahelinaysay ay ka wax ka waydiiyeen Xeerka Ciidanka Booliska oo gudidoodu gacanta ku hayso,kaas oo ka soo gudbay Golaha Wakiilada.

waxaana uu hoosta ka xariiqay in ay is afgarad ka gaadheen wax yaabihii ay ka wadahadleen labada dhinac.

Halkan Ka Daawo Warkaasi.

Mustafe Axmed

Dhamays/Office

Hargaysa/Somaliland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: