Guddoomiyeyaasha Xisbiyada UCID Iyo WADDANI Oo Ka Hadlay Kulan Ay La Yeesheen Wefti Ingiriis Ah.

Hargeysa (Dhamays) – Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Qaranka Somaliland, ayaa Maanta la kulmay Wefti uu Hoggaaminayo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Dalka Ingiriiska, oo booqasho ku yimid Hargeysa.

 

Guddoomiyeyaasha Xisbiyada WADDANI iyo UCID, ayaa kulanka ay la yeesheen Weftiga ka dib, waxay la hadleen Saxaafadda iyagoo faahfaahin ka bixiyey waxyaabihii ay ka wada hadleen.

 

“Weftigan waxa hoggaaminayey Wasiiru-dawlaha iskaashiga caalamiga ee Ingiriiska, waxaana la socday safiirka Uk u qaabilsan Soomaaliya iyo saraakiil kale, waxay aad u danaynayeen doorashada oo socda iyo doorashada ka dib-ba, waxaanu u sheegnay in Somaliland nabadgalyada ay samaysay dan u tahay geeska Afrika” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe, waxaanu intaa ku daray “Waxa kale oo aanu u sheegnay in nabadgalyada Soomaaliya lala doonayo ay ku jirto gacantooda oo aanu  xal ugu jirin gacmo Ajanabi, kuwaas oo aan xal u keeni karin, waddamada jaarka iyo cid kale toona nabadgalyo kama dhalin karaan”

 

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxa Maanta inoo yimid weftigii ugu cuslaa oo ka socda Waddanka Ingiriiska, oo ka koobna ilaa tobaneeyo Qof oo uu hoggaaminayo wasiir oo uu ku jiro safiirka Ingiriiska u fadhiyey Soomaaliya, Agaasimeyaal kale oo la socday wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska iyo wadamada Qaadhaanka bixiya, waxay u yimaaddeen Somaliland, inay kala hadlaan arrimaha doorashooyinka, iyo horumarka.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: