Guddoomiye CIRRO Oo Loo Diiday Inuu Booqdo Maxaabiis ka Xidhan WADDANI

Hargeysa (Dhamays) – Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, ahna Musharax Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka sheegay in Taliska Booliiska Somaliland u diideen inuu Saldhigga dhexe ee Hargeysa ku booqdo Muniir Axmed Cigaal iyo Cali Mahdi Jibriil oo loo haysto inay Jidh-dil u geysteen Muwaadin Magaciisu yahay Jaamac Cilmi Jiir, kaasi oo wax ka qoray Xirsi Cali Xaaji Xasan oo WADDANI ka mid ah.

Guddoomiye Cirro oo markii Booliisku u diideen inuu gudaha u gelo Saldhigga Dhexe ee Hargeysa u warramay Telefiishanka HCTV, ayaa yidhi, “Marka hore waxaan cambaareynayaa xadhigga Muuniir oo ah sarkaal sare oo xisbiga ah oo aan xisbigana lala soo socodsiin xadhigiisana aanu u aragno sharci darro inuu yahay, hase-yeeshee arrinkaa umaan socon maanta ee waxaan u soconay inaanu soo booqano, kadinka dibadda markaan joogay aniga iyo saraakiil badan oo xoghayaha guud ka mid yahay oo xoghayaha cadaaladu kamid yahay, waxa dhacday ciidankii halkaa jooga waxay yidhaahdeen amar baa na lagu siiyay inaan lagu soo deynin Adiga oo Guddoomiyihii baarlamaanka ah”

Guddoomiye Cirro, waxa kale oo uu sheegay “Askartii Meesha (Saldhigga) joogtay waxaan waydiiyay ma I garanysaan inaan ahay Gudoomiyihii baarlamaanka..haa bay yidhaahdeen Guddoomiye, laakiin amar baan haysanaa intaa ka badana imika ma sheegi karno” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in falkaas lagu kacay saaka uu ahaa mid Qaranimada ku xun “Waxay ila tahay arrintaasi inay tahay wax magaca Qaranimadana ku xun oo dawladnimadana ku xun, oo madaxbanaanida axsaabta Qaranka iyo xeerka qarankana ku xun oo sharci darro ah, hadduu amarkaasi jirey ciddii bixisayna way og tahay, amarkaana waxaan u arkaa inuu yahay mid sharci darro ah aniga oo intaasoo xil ka haya Qaranka.”

Guddoomiye Cirro waxa kale oo uu hadalkiisa ku sheegay in Ciidanka Booliiska ee Saldhigga dhexe ee Hargeysa Qoryo ku qabteen, “Intaa waxa dheerayd in xitaa ciidanku qoryaha nagu soo fiiqeen anagoo aan hubaysnayn oo waxba sidanin. Waxa kale oo intaa dheer in la xidhay Gaadhigii xoghayaha guud ee xisbiga Waddani .” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Dhacdadaasi way soo noqnoqotay, oo maaha markii u horeysay ee Aniga Shaqsiyan la ii diido inaan Saldhigga Booiiska Cid ku booqdo.”

cirro

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo la waydiiyey in markii Saldhigga loo diiday uu la xidhiidhay Taliyaha Guud ee Booliiska, ayaa ku jawaabay, “Waxaan isku dayay inaan la hadlo Taliyaha Booliska, balse telefoonka igamuu qaban, markii u horeysay ee uu taliyuhu iga qaban waayana maaha. Markaa waxaan doonaynaa in arrintaasi jawaab cad laga bixiyo, oo ciddii amarka bixisay inay soo baxdo weeye, arrintaana ka hadhi mayno oo waanu daba-gelaynaa.”

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: