GUDDOOMIYAHA XISBAL-XAAKIMKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND EE KULMIYE OO TACSI U DIRAY

Xisbiga KULMIYE: Xisbiga Midnimada Iyo Horumarka JSL, April 6th, 2016
Ujeeddo: Tacsi

Hargeysa(Warsugannews) Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna
murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah
Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga
waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo guud ahaan
shacabka Somaliland geerida ku timi Wasiirkii hore ee Shaqada iyo
Arrimaha Bulshada Somaliland Marxuum Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo ku
geeriyooday magaalada Burco maanta 06/04/2016).

Guddoomiyuhu waxa uu ku tilmaamay Marxuum Cabdi Aw Daahir Cali inuu ahaa
aqoonyahan wayn oo ku takhasusay cilmiga caafimaadka dadka oo uu wax
badan ku soo taray bulshada reer Somaliland, isla markaana ka mid ahaa
siyaasiyiinta mufakirka ah ee dalkeennu lahaa.

Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaan inuu
jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabka uu ka
baxayna samir iyo iimaan innaga siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: