Guddoomiyaha UCID Oo Dhaliilay Madaxweynaha Iyo Jawaabta Xukuumadda + Daawo VIDEO

Hargeysa (Dhamays) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa Maanta Fagaare uu Khudbad ka jeediyey wuxuu eedaymo culus Hawada u mariyey Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Xukuumaddiisa.

Guddoomiyaha UCID oo bilihii u dambeeyay iska dhowrayey inuu Eedaymo u jeediyo Xukuumadda Madaxweyne Biixi, ayaa Khudbad uu ka jeediyey Munaasibad loo qabtay Arday ka qalin-jebiyey Jaamacad ku taalla Hargeysa, ayaa yidhi “Walaalayaal, Dalka Annaga ha inooga baqina ee Muuse uga baqa..”

Laakiin, Wasiirro ka mid ah Xukuumadda Somaliland oo hadalka Faysal Cali Waraabe ka dib Munaasibaddaasi hadallo ka soo jeediyey ayaa Difaacay Xukuumadda isla-markaana eedaymo kulul u jeediyey Guddoomiyaha UCID.

Wasiirrada Wasaaradaha Cadaaladda iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo hadalka iskaga dambeeyay ayaa su’aal geliyey waxa uu Faysal Cali Waraabe ahaan jiray xilligii Jabhaddii SNM oo Madaxweyne Biixi ka mid ahaa dagaalka kula jirtay Ciidammadii Dawladdii Maxamed Siyaad Barre.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: