Hargeysa (Dhamays News) – Hay’adda Shaqaalaha Dowladda ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku dhawaaqday in hadda la samayn doono guddi ka shaqaysa dhiirigelinta iyo abaalmarinta shaqaalaha dowladda ee mutaysta shaqo-wanaagga, iyadoo aanay guddidaasi jirin muddada 28-ka sanno ah ee uu dalka Somaliland ka madaxbannaanaa Soomaaliya.
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Md. Sharmarke Axmed Muxumed (Geelle), ayaa qoraal uu soo saaray shalay ku shaaciyey in la dhisayo Guddi qiimeyn iyo abaalmarin sannadle ah ku sameeya shaqaalaha ka hawlgala hay’adaha dowliga ah ee dalka, kuwaasoo sidoo kale dhiirigelin doona shaqaale-weynaha kala duwan ee qaranka Somaliland.
“Ku dhawaad 28 sanno oo ay Somaliland jirtay, xeerka Shaqaalaha Dowladda, waxaa ku xusnaa oo keliya GUDDIDA ANSHAX-MARINTA oo ku cad qodobka 26-aad iyo DAMBIYADA iyo CIQAABAHA oo ku xusan qodobka 28-aad. Si dhanka kale loo helo abaal-marin shaqaale iyo qiimayn shaqo, waxaa 16-ka siyaasadood ee dhawaan soo baxaya ka mid ah siyaasadda hagaysa “QIIMAYNTA HAWL-QABADKA SHAQAALAHA” si loo helo shaqaale hela qiimayn iyo abaal-marin ku salaysan siyaasad cad iyo hab-raac qodobbaysan, taasi oo lagu kabi doonno Sharciga Shaqaalaha Dowladda. Haddii Shaqaalaha Dowladdu leeyihiin Anshax-marin waxaa iyadna iman doonta abaal-marin,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland.