Guddoomiyaha Aqalka Sare Ee Soomaaliya Oo Loo Doortay Xildhibaan Ka Soo Jeeda Somaliland

Muqdisho (Dhamays) – Waxa Maanta la qabtay Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo ay ku tartameen laba Musharrax oo kala ah Xildhibaan Cabdi Xaaji Cabdillaahi iyo Mustafe Maxamed Qodax, ayaa waxa ku guuleystay isla-markaana Guddoomiyaha Aqalka sare loo doortay Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo helay 43 Cod, halka Musharraxii la tartamayey oo ahaa Mustafe Maxamed Qodax uu ka helay 9 Cod oo keliya.

Waxa kale oo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka sare loo doortay Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), waxaana Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka sare loo doortay Mowliid Xusseen Guhaad oo helay 28 cod, kaasi oo ku tartameen xildhibaan Cabdikafi Macalin Xasan oo helay 24 cod.

Fadhiga lagu doortay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxa fadhiyey 52 Xildhibaan oo ka mid ah 54 Xildhibaan ee Aqalka sare ka kooban yahay.

Guddoomiyaha loo doortay Aqalka sare ee Soomaaliya oo Dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo doorashadiisa ka dib, la hadlay Xildhibaannada Aqalka sare ee uu Maamuli doono, ayaa yidhi, “Waxaan u mahad-celinayaa inta I dooratay iyo Dadweynaha Soomaaliyeed oo dhan, oo aan ogahay inay mar walba qiimeyn sameeyaan. Waxay doorteen Nin Soomaali ah oo ay garanaya.”

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: