Golaha Guurtidda Somaliland Oo Guddi U Saaray Muddo Kordhinta Loo Samaynaayo Xukumadda Siilaanyo

Hargeysa (Dhamays) – Golaha Guurtidda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa  maanta oo Sabti ah, waxay Guddi ka kooban xildhibaanno iyo shirgudoonka Aqalkaas  u saarayaan inay ka soo talo-bixiyaan muddo kordhinta loo sameynayo Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada, oo muddo xileedkoodu dhammaad ku dhow yahay isla markaana doorashooyinkii dib ugu dhaceen abaarta kulul ee ka jirta gobollada bariga dalka darteed, taasoo saameyn taban ku yeelatay dad lagu qadaray 1.5 Milyan  qof oo nus malyuun ka mid ahina  gurmad degdeg ah u baahan yihiin.

 

Ilo wareedyo ku dhow aqalka odayaasha, ayaa Shabakadda Hormood , u xaqiijiyay in shirgudoonku guddi u saarayo ka soo tallo-bixisa muddada Golluhu ku salaynayo muddo kordhinta cusub ee loo samaynayo xukuumadda iyo aqalka Wakiillada oo muddo xileedkoodii hore ee muddo kordhinta ahaa dhammaanayo  daboyaaqada Bishan March.

 

Warku waxa uu intaas ku daray in Go’aanka muddo kordhinta ee toddobaadkan Guurtidu ku dhawaaqi doonaan uu noqon doono mid waafaqsan muddadii lixda bilood ahayd ee xisbiyada, xukuumadda iyo Guddida doorashooyinka qaranku ku heshiiyeen. Xisbiyada iyo Komishanka ayaa hore iskugu waafaqay  in doorashada madaxtooyaddu ay dalka ka dhacdo 10/10/2017, halka doorashada aqalka wakiilladana ay u cayimeen inay wadanka ka qabsoonto 10/10/2018-ka.

 

Waxa la sheegay in guddida Guurtidu saari doontaa ay golaha ka soo siin doonaan talo-bixin waafi ah oo la xidhiidha muddada ay u arkaan inay munaasib tahay oo doorashaduna ku dhici karto, abaarahana lagaga bixi karo. Waxa kaloo ilo looga qaateen ah oo ku dhow dhow shirgudoonku ay sheegeen in ay u badan tahay in aqalka odayaashu aanay xukuumadda iyo golaha wakiillada u kordhin doonin wax ka badan muddadii ay xisbiyada iyo Komishanka doorashooyinku isku raacsanaayeen. Guddidan ayaa talo-bixintooda Golaha ku horkeeni doonta muddo laba maalmood ah.

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: