Geeska Afrika: Soomaaliya, Erateriya Iyo Itoobiya Oo Heshiis Kala Saxeexday & Wufuud Loo Diray Dawladda Jabuuti

Asmara (Dhamays) – Dawladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa heshiis ku wada saxeexday magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea.

“Heshiiskan ayaa dhigaya in Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay yeeshaan iskaashi dhaqaale, amni, bulsho, dhaqan iyo siyaasadeed, lagana shaqeeyo sidii guud ahaan Gobolka Geeska Afrika loogu soo dabbaali lahaa xasillooni iyo horumar,” sida ay baahisay Madaxtooyada Soomaaliya.

Heshiiskan waxaa qalinka ku duugay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Waaxda warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku soo koobtay qodobbadii lagu heshiiyey, baaq ka kooban afar qodob oo kala ah:

  1. In saddexda waddan ay yagleelaan iskaashi sare oo fududeynaya gaadhista yoolka shucuubtooda.
  1. In saddexda waddan ay abuuraan xidhiidh dhaw oo ku aaddan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada, dhaqanka iyo amniga.
  1. In saddexda waddan ay si wadajir ah uga hawlgalaan sare u qaadidda ammaanka iyo nabadgelyada gobolka.
  1. In saddexda dawladood iyagoo ka duulaya heshiiskan ay dhisaan Guddi Sare oo isku dhaf ah, oo u xilsaaran fulinta qodobbada baaqan.

Intii ay kulanka lahaayeen masuuliyiintaasi waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii xal loogu heli lahaa khilaafka soo kala dhex galay Eritrea iyo Jabuuti, waxaana isla Maanta Magaalada Jabuuti gaadhay Wasiirrada Arrimaha dibedda ee Saddexdaa Dawladood, waxayna kulan ku saabsan sidii loo soo Afjari lahaa Coladda Eratariya iyo Jabuuti la yeesheen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: