Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid oo kamid ahaa dhalin yaro ku Somowday hamaha shidaalka ee barbara 1999kii waxa uu dacwoonayay mudo ku dhaw 30 sano isaga oon ka helin xaqiisa shirkadii total loona xukumay hadana xukumadu kadhaqaajisay xuquuqdii uu lahaa ayuu kageeriyooday


Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid Salli-dhige oo loo yaqaannay Tabliiq-sharci, isla markaana 30-kii sannadood ee u dambeeyey cadaalad ka raadinayey Somaliland, ayaa ku geeri yooday shil gaadhi
ka dib markii ay is-galeen gaadhi kuwa xamuulka ah gudaha magaalada Berbera, sida laxaqiijiyey.
Allaah naxariistiisa Janno haka waraabiyo Marxuum Maxamed Xasan Siciid, waxa uu muddo dhawr toddobaad ah magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil u joogay dalab dib– dejin oo uu u gudbiyey dowladda hoose ee magaaladaa iyo maamulka gobolka,
kaas oo aanu weli wax jawaab ah oo qancisa ka helin. Maxamed 1999-kii ayuu ka mid ahaa koox shaqaale ah oo caafimaad-darro ka soo gaadhay Haamaha kaydka Shidaalka ee Berbera oo uu wakhtigaa ka shaqaynayey oo ay maamulaysay Shirkaddii Totol,
iyadoo dowladihii kala dambeeyey ee Somaliland soo maray iska hortaageen magdhaw lacageed oo Maxkamadda sare u xukuntay horraantii 2000.
Dhawaan waxa Horyaal TV ka diyaariyey barnaamij koobaya dhacdooyinkaas bilawgii illaa maalmo ka hor siday xaaladdiisu tahay iyo dariiqii dheeraa ee uu cadaaladda u soo maray iyo siduu weli u baadi goobayo.
Maxamed Xasan Siciid waxa uu sameeyey dedaal uu ku bartay Sharciga, garyaqaanna ku noqday
ka dib markii maxkamaduhu warwareejiyeen, si uu xaqiisa dariiq sharci ugu raadsado
Mase suurta galin dadaalkaasi uukubaadi goobayay xaqiisa
isagoon ka rajo dhigin baadi goobka xaqiisa ayuu kugeeri yooday shil gaadhi
Waxaan Allaah uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, samir iyo iimaan saadiq ahna ka siiyo, Qoyska, Ehelada, Qaraabada iyo guud ahaan Asxaabta uu ka baxay.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: