Garyaqaan Cabdinaasir m/ed Shide oo Walaac ka Muujiyay Maxaabiista ku Jirta Xabsiyada S/land

Hargaysa(Dhamays):Iyadoo Mudooyinkii udambeeyay ay isa soo taraysay Cabashada Maxaabiista ku jirta Jeelasha Somaliland iyo Eheladooda oo ka Cabanaayay in Loo Diiday Adeegyo ay Sharci ulahaayeen islamarkaana laga hor joogsaday Inay la kulmaan Qareenadoodii iyo Eheladoodiiba kuwaas oo dhalisay in Dhawaan Sagaal (9)Maxbuus oo ku jira Jeelka Weyn ee Magaalada Hargaysa ay ka soomaan Cuntadii .

Hadaba garyaqaan Cabdi Naasir Maxamed Shide oo ka tirsan Garyaqaanada Madaxa banaan ee Aqoonta buuxda u leh arimaha Garsoorka ayaa maanta walaac Xoogan ka muujiyay Hanaanka Hab Dhaqan ee ay Maxaabiistu kala Kulmaan Xabsiyada Dalka khaasatan kuwa Xuquuqda Maxbuuska kuwaas oo uu Garyaqaanku ku tilmaamay inay yahiin kuwo Khilaafsan Sharciga Dalka iyo Xeerarka uga yaala Maxaabiista .

Garyaqaanka oo maanta Warbaahinta kula Hadlaayay Magaalada Hargaysa ayaa Haayadaha Ay Arimaha Maxaabiistu Khusayso ugu Baaqay inay Hab Dhaqanka Maxaabiista ku Dabaqaan Shurucda Dalka iyo Xeerarka Caalamigaa ee uga yaala Maxaabiista.

Halkan Ka Daawo Warkaasi Muuqaalkiisa oo Dhan.

Mustafe Herer

Dhamaysnews/Office

Hargaysa/Somaliland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: