Ganacsadaha Caanka Ah: Maxamed Aw-Siciid Geedi Oo Tacsi U Diaray Ehelkii, Qaraabadii Iyo Qaranka Somaliland Ee Ay Ka Baxaday Marxuumad Mako Cali Duraan.

 

tacsiHargeysa (DMG)- Mudane Maxamed Aw-Siciid Geedi Oo Siweyn Looga Yaqaan Dalalka Somaliland Iyo Jabuuti Ayaa Tacsi Tiiraanyale U Diray Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii Iyo Qaranka Somaliland ee ay ka Baxday Marxuumad Hooyo Mako Cali Duraan Oo Xalay 10-12-2016-ka Ku Geeriyootay Magaaladda Hargeysa Isla markaana Lagu Aasay.

Ganacsade Maxamed Aw-Siciid Geedi (MSG Companay) Oo Ku Sugan Waddanka Jabuuti Oo Khadka Telefoonka Ugu Waramay Suxufi Axmed Cumar Cadaani Oo ah Maamulaha Shabakada Wararka ee Maalmahanews.com Waxa Uu u sheegay Inuu aad Uga Xunyahay isla markaana jeclaa inuu ka soo qayb-galo Aaaska, Geerida Naxdinta Leh ee Ku Timid Marxuumad mako Cali, isaga oo ku Sifeeyey Marxuumada Qof Ehelu khayr ah.

Mr. Maxamed Aw-Siciid Geedi Isaga Oo Ku Hadlaya Magaciisa, Ka qoyskiisa iyo ka shaqaalaha Shirkadaha M.S.G iyo Somcable Aayaa Sheegay Inuu Sigaar ah Tacsi Ugu Diray Dhamaan Ilama Sacad Qalinle Xirsi Oo ay Hooyadood ahayd Rabi Ha u Naxariistee Marxuumad Mako Cali Duraan.

Ganacsaduhu waxa uu marxuumada Ilaahay Uga Baryey Inuu Naxariistiisa Janno Ka waraabiyo Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Qaranka Somaliland ee ay Ka Baxdayna Samir Iyo Iimaan Saadiq ah Ka Siiyo, Aamiin Aamiin Aamiin.

Inaa Lilaahi Wa inaa Ilayhi Raajicuun.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: