Gabiley: Dad Shil Gaadhi Ku Dhintay Iyo Fadeexad Ambilaas La’aaneed Soo Baxday

Gabiley (Dhamays) – Alle ha u naxariistee Afar Qof ayaa ku Geeriyooday, Lix kalena way ku dhaawacmeen Shil Baabuur oo Maanta Gelinkii hore ka dhacay Duleedka Galbeed ee Magaalada Gabiley.

Dhaawaca iyo dhimashada ayaa yimid, ka dib markii Gaadhi nooho ah oo ka yimid Magaalada Wajaale isla-markaana ku soo jeeday dhanka Magaalada Hargeysa uu Taayir u baxay, taasi oo keentay inuu dhowr jeer is rogo, keenana Khasaaraha ah dhimashada Afarta ruux iyo dhaawaca Lixda kale, sida uu sheegay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Gabiley Axmed Siciid Maxamed “Sida Laanta Nabadgalyada Waddooyinku noo soo gudbiyeen Gaadhiga dhacay oo ah Nooho wuxuu ka yimid Magaalada Wajaale, wuxuu ku socday Xawli sare waxaana u baxay Taayir, sidaa darteed wuxuu sameeyay Rafasho badan, Dadkana aad bay wax ugu gaadheen. Gaadhiga waxa saarnaa 10 Qof oo uu ku jiro Dirawalkii oo ahaa Marxuum Abokor Abokor Faarax oo Shilkan ku Geeriyooday.” Ayuu yidhi, Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Gabiley.

Agaasimaha guud ee Cisbitaalka Gabiley Dr. Ridwaan Maxamed Cali oo isaguna Saxaafadda la hadlay ayaa faahfaahiyey khasaaraha shilkaa ka dhashay “Shilkani wuxuu sababay Afar Dhimasho ah oo Laba Rag yihiin, labana Dumar yihiin iyo Lix dhaawac ah.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Cisbitaalka waxa markii hore Meydadkooda la keenay laba Rag ah, labada Dumarka ahina waxay ku dhex Geeriyoodeen Cisbitaalka ka dib markii aanu dhaawacooda muddo la racaallay, dhaawaca intii kale waxaanu u gudbinay Cisbitaalka guud ee Hargeysa..”

Dadka Shilkaa ku dhaawacmay ayaa waxa Magaalada Gabiley lagaga qaaday Ambilaasyo ka soo gurmaday Magaalooyinka Wajaale iyo Hargeysa, maaddaama oo uu Cilad farsamo u fadhiyo Ambilaaskii Magaalada Gabiley, sida uu sheegay Badhasaabka Gobolka Gabiley Maxamed Cismaan Xaaji Axmed “Ambilaas wuu yaallaa degmada, laakiin ma shaqaynayo, Waayo? Taayiradeeda iyo Tayactirkeeda kaleba aan haysan.” Ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Gabiley, waxaanu intaa ku daray “Annagu waanu ka hawl-galnay markii aanu dhibaatadaa Aragnay, Wasaaraddana waanu u gudbinay, imikana waxaanu ku talo jirnaa inaanu isku tashano, hadday noqon lahayd Wasaaradda, Maamulka Gobolka, Maamulka Degmada iyo hadday noqon lahayd Ganacsatada, waxaanan rejaynaynaa in bishan Gudaheeda la helo Gaadhi Ambilaas ah oo ay leedahay degmada Gabiley.”

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: