Faysal Cali Waraabe Oo Ka Digay Hub Maamullada Soomaaliya U Ballan-qaadeen Puntland + Video

Hargeysa (Dhamays) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay shirkii maamul goboleedyada Soomaaliya iyo dawladda Federaalka Soomaaliya ugu soo dhamaaday magaalada Baydhabo, kaasi oo ay ka soo baxeen Qodobbo khuseeya amniga Soomaaliya.

“Shirkaasi ay iskugu yimaaddeen maamul-gobolleedyada iyo Muqdisho ee ka socday Baydhaba qodobbada ka soo baxay waxa ku jiray in hub la siiyo Puntland oo ay kula dagaalamaan wax ay u yaqaanaan argagixisada, hubkaasi waxa loo siinaya in Somaliland lagula dagaalamo, Waayo? wax argagixiso ah oo meesha joogaa ma jirto ee kolba intay dad masaakiin ah soo qabtaan bay yidhaahdaan waa argagixiso, horena waa kuwii ciidamada Maraykanka ku soo hagay ciidamada Gal-mudug ee meesha lagu laayey..”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Puntland Cabdweli Gaas uu dagaalkii ka dhigay mid qabiil, taas oo meelo kala duwan loogu yimid baaqiisa, taas oo uu xusay in dajinteedu adag tahay haddii ay gaadho dagaalo qabiil.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: